Heshiiskii 30-ka sano ee ay xukuumada Biixi ka baxday oo dhaliyay xiisad hor leh

Hargeysa (Caasimada Online) –  Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhawaan ka baxday heshiis ay hore u saxiixday oo mudadiisu dhameyd 30-sanno, kaasi oo huteelka Hargeysa Club loogu wareejiyay labo muwaadin oo maal-galin badan ku sameeyay huteelkaasi.

Somaliland ayaa gebi ahaanba ka baxday heshiiskaasi oo sida la sheegay aysan mudadiisu dhamaan, isla markaana si qasab ah kala wareegtay huteelkaasi labo muwaadin oo ay hore uga kireyso, kuwaasi oo ku sameeyay maal-gashi ay kaga baxday dhaqaale badan.

Heshiiskaasi ay ka baxday xukuumada Biixi ayaa dhaliyay xiisad cusub oo hor leh, maadama labadii muwaadin ee xukuumadu hore ugu wareejisay huteelkaasi ay aaminsan-yihiin in sifo sharci daro ah loogala wareegay, isla markaana qaab awood sheegasho ah loo isticmaalay.

Suldaan Siciid Yuusuf oo kamid ah odayaasha dhaqanka Somaliland, isla markaana kamid ah labadii qof ee xukuumadu hore ugu wareejisay huteelkaasi, ayaa si adag uga hadlay heshiiskaasi ay uga baxday xukuumada Muuse Biixi.

Suldaan Siciid ayaa Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ku eedeyay inuu wado ‘Dhul boob’, isagoona xusay in markii u horeysay aysan aheyn inay si xoog ah iskugu daydo inay kula wareegto huteelkaasi, iyadoo ciidamo badan ku daad gureysay.

Suldaanka ayaa talaabada xukuumadu ugala laabatay huteelkaasi ku tilmaamay mid uu Biixi uga dan leeyahay inuu bur-buriyo kala dambeynta Somaliland, maadama uu sifo sharci daro ah uga baxay heshiiskaasi 30-ka sanno, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale waxa uu xukuumada Biixi ku eedeyay inay hurinayaan xiisada colaadeeda ee deegaanada Ceel-Afweyn, isla markaana ay xukuumada qeyb ka tahay inay soo noq-noqdaan colaadahaasi oo ay ka dhashaan khasaare badan oo nafeed iyo mid hantiyeedba.

Inkasta oo aysan aheyn markii u horeysay ee xukuumada Muuse Biixi ay ka baxdo heshiis mudadiisu aysan gaadhin ayaa haddana waxa talaabadan ka dhalatay xiisad hor leh oo sababi karta in Jabhado kale ay ka abuurman Somaliland, maadama ay hore u dhacday in Jabhado sameeyan Salaadiin hore gaf uga tirsanayey xukuumada Biixi.