Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka cusub ee Waqooyi Bari oo lagu dhisay heshiis ay dhawaan gaareen SSC-Khaatumo iyo Maakhir ayaa haatan wajahaya caqabado hor leh, kadib markii Ergadii metelayay gobolka Haylaan ay ka baxeen shirweynaha Laascaanood.
Odayaasha iyo xubnaha ergada oo la hadlay warbaahinta maalmo kadib markii ay kasoo baxeen shirka ayaa sheegay in ay u tageen Laascaanood si ay ugala tashadaan beelaha gobolka Sool sidii si siman loo dhisi lahaa maamulka cusub.
Ergadan ayaa sheegtay in niyad-wanaag iyo isu soo dhowaansho ay la yimaadeen, balse ay la kulmeen fara-gelin iyo sad-bursi dhanka awood qaybsiga ah.
Waxay sheegeen in qorshuhu ahaa in la mideeyo laba maamul oo kala ahaa SSC iyo Maakhir, maadaama dhulka iyo maamuladu sinaayeen ay ahayd in xubnaha iyo xilalka maamulka cusub noqdaan kuwo si cadaalad ah loo qayb saday sad bursina dhinacna samayn.
“Wax kasta oo aan u nimid waa lagu tuntay. Waxaa meesha ka muuqda boob. Xeerkii shalay la ansixiyay ayaa maanta lagu xad-gudbayaa. Waxaan u nimid in labada beelood wax ku dhisaan si heshiis ah, balse waxaa lagu beddelay dano gaar ah. Waxaan leenahay siyaasiyiinta arrimahan wadda ha laga qabto,” ayay yiraahdeen odayaasha.
Sidoo kale waxay caddeeyeen in aysan wax maamul ah la samaysan gobolka Sool, ayna hadda arkeen in dhismaha maamulka Waqooyi Bari laga ilaalin waayey caqabado iyo is-qabqabsi hor leh oo carqaladeyn kara hannaanka dhismaha maamulka cusub.
30-kii July ayay ahayd markii ergadan iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka socday gobolka Sanaag ay iskaga baxeen shirka, xilli uu marayay gaba-gabadii dhismaha maamulka Waqooyi Bari.
Tan ayaa imaneysa xilli Musharraxiinta xilka Madaxweynaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari ay si wadajir ah u cambaareeyeen fara-gelin ay sheegeen in dowladda federaalka ay ku hayso hannaanka doorashada xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi.
Bayaan ay soo sareen ayaa lagu sheegay in guddiga hubinta iyo ansixinta xildhibaanada oo uu magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha aan lagu dhisin hab waafaqsan dastuurka iyo nidaamka dowlad-dhisidda, isla markaana uusan metelin saamileyda deegaanka.
Sida lagu caddeeyay bayaanka, “Wasiirka Arrimaha Gudaha wuxuu si toos ah ugu adeegayaa musharrax gaar ah, isagoo marin habaabinaya geeddi-socodka dhismaha maamulka si uu u gaaro natiijo horay loo sii qorsheeyay.”
Musharraxiintu waxay sheegayaan in hab-dhaqanka wasiirka uu sababi karo khilaaf beeleedyo furan, burbur ku yimaada rajada dhismaha maamulka cusub iyo kalsooni darro soo wajahda shacabka iyo beesha caalamka.
Musharraxiinta ayaa si cad u sheegay in aysan aqbali doonin doorasho si gaar ah loogu daneynayo musharrax gaar ah, iyagoo sheegay in mas’uuliyadda wax kasta oo ka dhasha fara-gelinta hannaanka doorashada ay si buuxda u qaadi doonto dowladda dhexe, si gaar ahna Wasiir Cali Xoosh.
Si kastaba, Maamulka cusub ee Waqooyi Bari oo si toos ah ugu xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan wajahaya caqabado hor leh, iyadoo dowladda dhexe ku adkeysaneyso sii wadista dhismaha, xilli ay soo baxayaan inay shaqsiyaad gaar ah u wado hoggaanka maamulkan.

