HirShabeelle oo shaacisay go’aan culus oo la xiriira dadka loo qabto Shabaabnimo

Jowhar (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa maanta ku dhawaaqday in la xiri doono nabadoonkii iyo qofkii kale ee beel ahaan uga daba taga qofka loo soo xiro Shabaabnimo, xilli uu maamulkaasi ka socdo dagaal xoogan oo ka dhan ah kooxda.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan oo arrintaasi shaaciyay ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Shabaab uu kala dhaxeeyo dagaal, islamarkaana aysan aqbali doonin in wada-hadal laga galo qofkii loo soo xiro kiis la xiriira.

“Ninkii qof lasoo qabtay (Al-Shabaab) ah dhaha waa reer hebel, isagana halagu daro, isagaa ka daran oo ka xun, Shabaab iyo Innaga waxaa naga dhaxeeya qorigaas, waala waayay wax kale oo lagu kala qanco oo aan qoriga ahayn,” ayuu yiri.

“Dheeraad ayay nolosheena iyo Soomaaliya ku yihiin (Al-Shabaab) marka waa in aan ka saarnaa waxaana uga saari karnaa in aan wadajir dagaal ula galno.”

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka in ay xoojiyaan la shaqeynta ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa deegaanka ee wada howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Muddo 4 ah joogto ayey u socdaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana lagu qabtay degmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad-goboleedka HirShabelle.”

Waxa uu sheegay in dib loo soo celinayo adeegyada bulshada oo muddo 15 sano aanay u helin sida ay ugu baahan yihiin dadka ku nool deegaannada laga qabsaday Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha.

“Howl-galada waa ay kasii soconayaan gobolka illaa inta gacanta maamulka dib loogu soo celinayo deegaanada iyo tuulooyinka ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.”