Maxay ahaayeen ragga ay DF maanta ku wareejisay Iran?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Iran ayaa shaacisay inay dowladda federaalka Soomaaliya ku wareejisay rag kalluumeysato ah oo u dashay dalkeeda, kuwaasi oo hore maxbuus ahaan loogu haystay gudaha Soomaaliya.

Iran ayaa sheegtay in raggaan dalkeeda dib loogu soo celinayo kadib wada xaajood iyo tallaabooyin ay qaaday wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran.

Siddeed sano ka hor ayay raggaan ka qabatay kooxda Al-Shabaab biyaha caalamiga ah ee u dhow Soomaaliya, ayada oo warar kale ay sheegayaan in kooxda ay kala wareegtay Burcad Badeed Soomaali ah.

“Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa ku guulaysatey soo deynta la haystayaashii ay afduubka u haysteen kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda.

Kalluumeysatadaan oo dhammaantood kasoo jeeda magaalada dekedda ah ee Chabahar ee koonfurta dalkaas ayaa ka degaya magaalada Tehran kadib markii ay qaadday diyaarad ka soo duushay magaalada Muqdisho Sabtidii xalay.

Dhawaan ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay baaritaan ku sameynayso kalluumaysato ajnebi ah oo Shabaab gacanta ku hayeen sanado badan, kuwaasi oo lagu qabtay aagga magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.