HirShabelle oo markii ugu horeysay 16 sano jir iskuul dhigta u magacawday Guddoomiye Degmo

Jowhar (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha gudaha ee Maamulka Hirshabeelle, ayaa waxaa lagu magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka dhanka arimaha Bulshada degmada Gamboole ee Gobolka Sh/Dhexe.

Wareegtada ayaa waxaa lagu magacaabay Faysal Cabdulaahi Cumar oo ah 16 sano jir dhigta fasalka 4aad ee Dugsi sare oo ku yaal Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Magacaabista wiilkaan aadka u yar, isla markaana dhigta Iskuulka ayaa waxaa aad looga hadal hayaa dhamman deegaanada maamulka HirShabelle.

Faysal Cabdulaahi Cumar, oo la hadlaayay warbaahinta Muqdisho, ayaa sheegay in magacaabista ay ku dhacday isaga oo aan lagu wargalin, isla markaana waxba kala socon, balse ay asxaabtiisa kusoo wargaliyeen xili uu ku mashquulsanaa waxbarashadiisa.

Faysal Cabdulaahi Cumar, oo qudhiisa aad ula yaabay magacaabidiisa ayaa sheegay in qaab ay degdeg ku jirto uu ku helay magacaabida, sidaa aawgeedna uu ku qancay inuu hoggaamiye ku-xigeen u noqdo dadka degmadaas.

Sidoo kale, dhalinyarada asaagiisa ah ayuu ku dhiirigaliyay inay indhaha kala qaadan isla markaana ka faa’iideystaan wakhtigooda.

Geesta kale, Faysal Cabdulaahi Cumar, ayaa sheegay in uu xilkaas iska Casili doono maalmaha soo socda, kadib markii uu sheegay in uusan awoodin gudashada xilkaas loo magacaabay.

Caasimada Online

Xafiiska Jowhar

Caasimada@live.com