Maxaa laga bartay khudbadii gudoomiye Jawaari iyo baaqa beesha Xalane?

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafkii Golaha Shacabka ayaa Cirka isku sii shareeray kadib markii Gudoomiye Jawaari xalay hadal u jeediyey Xubnaha golaha iyo Shacabka una sheegay in la qabsaday Xaruntii Barlamaanka.

Khudbada Gudoomiyaha waxaa laga akhri karaa 3 qodob oo rajo leh iyo 3 qodob oo khatar ku ah dawlad-nimada:

A-In la badbaadiyo, lagana ilaaliyo fara-gelinta Golaha, ayna midoobaan kuwa Mooshinka ka keenay iyo kuwa taageersan isaga.

B-In isagu uu tanaazulay, Mooshinkiina aqbalay, Gacantiisana uusan ku burbirinayn Barlamaankii uu wax ka dhisay.

C-In lagu barbaariyey Jawi nabad ah, Dagaal la’aan ah, Khilaaf la’aan ah, Dawlad jaceyl iyo Madax jaceyl ah.

Arimaha khatarta leh ee Khudbadiisa ku jirtay waxaa ka mid ah:

1-Mooshinku Sharci ma aheyn waana aqbalay! Xildhibaano keenay ayaa ka laabtay ee Xildhibaan cusub hala keeno! Waa Xaq ay Xildhibaanadu leeyihiin lkn Gar ma ahan.

2-Xukuumada ayaa ka danbeysay Mooshinka! Xaruntii Barlamaankana qabsatay! Waxaan diiday in aan Saxiixo arrimo khatar ku ahaa Qaranka.

3-Dooda iyo Codeynta Mooshinka hala geeyo meel dhex-dhexaad ah; taas oo loola jeedo Xarunta Xalane ee Beesha Caalamka.

Waxaan xasuustay laba dhacdo oo horey noosoo martay:

A- R/wasaare Saacid ayaa 100% kalsooni ah siiyey Madaxweyne Xasan, kadibna arkay in la khiyaamay markaas ayuu ka codsaday Guddoonka Barlamaanka in ay siiyaan fursad uu isku difaaco, lkn waa loo diiday, codkiina waa loo qaaday, kadib ayuu Khudbad jeediyey kuna xusay in uu aqbalay go’aanka Barlamaanka lkn uusan aheen Gar iyo Sharci!

B-Doorashadii Madaxweynaha 2017 ayey Mucaaradkii dareemeen; hadii doorashada lagu qabto School Policea in laga adkaan karo, waxey codsadeen in Xalane loo geeyo Beesha Xalane-na culeys ku saarto Madaxweyne Xasan in uu aqbalo, sidaas ayaana looga adkaaday.

Hadaba waxaa muuqata:

1-In khilaafkii Barlamaanka uu gaaray Xukuumada Khayre, lagana rabo in ay ka dabaalato, nabad-doona aysan ka noqon karin Khilaafkaan.

2-In Gudoomiye Jawaari oo lagu barbaariyey Madax jaceyl uusan kalsooni badan ku qabin Madaxweyne Farmaajo in uu arinta ka odayeeyo.

3-In Gudoonka Aqalka Sare oo mugdi ku kala dhex-jiray Gudoomiye Jawasri uusan weli soo gelin arrinta.

4-In sababtii Khilaafka iyo Mooshinka dhalisay Gudoomiye Jawaari ka raray Guddoonka Barlamaanka iyo Xubnihiisa una raray Xukuumada Khayre.

5-In la bixi rabo fursad fara-gelin oo dhici jirtay mar kasta oo la is khilaafo ayna fursad u tahay Beesha Xalane oo awood yarada dawladda Somaliya sanad kasta ku qaadata adduun ka badan 2 Billion.

Hadaba waxaan ku talin lahaa in Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiye Cabdi Xaashi ay talaab deg deg ah qaadaan oo Barlamaanka iyo Guddoonkiisa lagu badbaadinayo, lagana hor tago fursada fara gelinta, lala xisaabtamo Xukuumadda.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)