Hooyo haysatay 10 caruur ah oo Warsheekh loogu dilay sabab yaab badan

Warsheekh (Caasimada Online) – Alle ha u naxariistee, waxaa degaan hoos yimaada degmada Warsheekh ee Gobalka Shabeelada dhexe lagu dilay Xabiibo Nuur Ugaasoow oo aheyd Hooyo haysatay 10 Carruur ah, waxaana dilkeeda lagu eedeeyay Ninkii qabay.

Dilka ayaa dhacay Xalay fiidkii hore waxaana la sheegay in uu ku dhax dilay gurigeeda ayada oo rasaasta ay ka heleeshay qaybaha sare ee jirkeeda sida ay xaqiijiyeen carruurteeda iyo dadka degaanka.

Aabe Nuur Ugaasoow oo ah Aabaha dhalay Marxuum Xabiibo ayaa Caasimada Online u sheegay in gabadhiisa ay aheyd curudda Carruurtiisa saakayna meydkeeda ay keeneen magaalada Muqdisho waxaana lagu wareejiyay hey’adda Dambi barista Booliiska Soomaaliya ee CID.

Aabe Nuur ayaa Caasimada Online u sheegay in ninka dilka fuliyay ay Xaaskiisa u heysay 2 carruur ah oo kala ah Gabar iyo Wiil, halka 8-da kale ay ahaayeen agoon ay iyada soo korsatay.

Dilka Hooyo Marxuum Xabiibo Nuur Ugaasoow ayaa la sheegay in uu ka dhashay murun ku saabsan hanti ay dhaxleen carruurta agoonta ah, taas oo uu damcay ninka dilka geestay ee qabay Maxruum Xabiiba sida uu Aabaheed noo sheegay.

Maxkamad ku taala degmada Warsheekh ayaa mar go’aamisay in hantida Carruurta agoonta ah oo ay gacanta ku heysay Marxuum Xabiibo ay xaq u leeyihiin carruurtaasi, islamarkaana ay u maamuli doonto Hooyadood balse markii dambe sababsatay sida uu Aabe Nuur Ugaasow noo xaqiijiyay.

Dhowr jeer ayaa la sheegay in ninkaan dilka geestay uu xaaskiisa u soo qaatay qori islamarkaana ku hanjabay in uu dili doono balse laguma guuleysan in go’aan laga gaaro khilaaf markaas ku soo laa-laabtay qoyska Marxuumad Xabiiba Nuur Ugaasow.

Wali laguma guulaysan in la soo qabto ninkii dilkaan fuliyay sida ay ku warameyn waalidiinta Hooyada la dilay, balse Aabe Nuur Ugaasoow ayaa Dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay u soo qabtaan ninka dilka geestay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com