Howgallo caawa ka socda MUQDISHO iyo mas’uul dowladeed oo lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online)-War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in caawa fiidkii magaalada ay ka dhaceen howgallo ay sameenayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Howgalka ayaa waxaa laga sameeyay degmada Warta Nabadda Ex Wardhiigleey, waxaana sidda uu oo sheegay wariyaha Muqdisho, lagu arkayay xaafadaha ciidamo fara badan oo baaraya guryaha.

Waxaa kaloo la arkayay dhallinyaro aad u tira badan oo ciidanka ay ka soo qabqabteen xaafadaha howgallada ay ka dhaceen.

Howgalka intii uu socday waxaa lagu arkayay degmada Wardhiigleey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Banaadir oo uu ka mid yahay Gen Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo guddoomiyaha gobalka Banaadir.

Ma jirto cid ka hadashay howgalka caawa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho

Dhinaca kale, kooxo hubeysan ayaa xaafad ku dhow Isbitaalka Xoogga ee degmada Hodan ku dileen haweeney ka tirsaneed hey’addaha garsoorka dalka.

Haweeneyda ayaa la sheegay in ay dileen rag ku hubeysan bastoolado dabadeedna waa ay baxsadeen.

Goobta waxaa gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaasoo baaritaano ka wada xaafada uu dilka ka dhacay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com