Dhageyso: Hibo Nuura oo goobjoog u ahayd qarixii maanta kana sheekeysay

Muqdisho (Caasimada Online)-Fannaanada weyn ee Hibo Maxamed (Hibo Nuura) oo ka mid ahayd 150 qof oo ku sugnaa Hotelka Makah Al-Mukaramah ee magaalada Mudisho ayaa ka warbixisay qarrax maanta duhurkii halkaas halkaas ka dhacay.

Iyadoo la hadleysay galabta VOA-da ayaa sheegtay in markii qarraxa ay maqashay isku naxday balse dadkii joogay xafladda ay ku yiraahdeen “Ha cabsan waxaan waa cadddi”

Waxa ay sheegtay in xafladda oo ahayd mid loogu dabaal dagayay sannad guuradii labaad ee Idaacadda maxaliga Mustaqbal ay ku sugnaayeen xildhibaanno, Cabdirashiid Dahabshiil, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo fannaaniin.

Hibo Nuura oo qarrixii ugu horreeyay la kulantay maanta
Hibo Nuura oo qarrixii ugu horreeyay la kulantay maanta

Hibo Nuura ayaa sheegtay in muddo seddax bil ah ay joogto magaalada Muqdisho, qarrixii maantana uu ahaa kii ugu horreeyay ay la kulanto nolasheeda.

“Dadkii meesha joogay waxa ay ahaayeen xariifiin, waayo qarraxyo badan ayey u soo joogeyn waaba kala garanayaan sidda ay u kala culus yihiin qarraxyada, oo markii aan naxay waxaa la i dhahay waxaan waxaa laga wadaa waan joognaa camal” ayey tiri Hibo Nuura.

Waxaa la weydiiyay in wax saameyn ah ay ku yeelan doonto qarraxa maanta ay la kulantay, waxa ay muujisay in wax saameyn ah aaney ku yeelan doonin xilliga uu illaah ugu talagalayna ay dhimmaaneyso.

Ugu dambeyn Hibo waxaa la weydiiya in ay soo aragtay goobta qarraxa uu ka dhacay, waxa ay sheegtay in ay goobta qarraxa soo aragtay oyadoona tiri “Waxaan ku soo arkay goobta baabuurkii qarxay iyo kuwa kale oo ka agdhawaa oo wax yeelo ay soo gaartay”

Dhageyso Hibo Nuura

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com