Xog dheeri ah oo kasoo korartay qarixi maanta ka dhacay magalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Faahfaahin ayaa laga helaya qarax ismiidaamin ah oo maanta duhurkii ka dhacay dhabarka dambe Hotelka Makah Al-Mukaramah ee magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay afar qof ayaa ku dhaawacmay qaraxa waxaa ku jirra askari katirsan ilaalada hotelka sidda uu sheegay taliyaha ciidanka booliska ee degmada Hodan Maxamed Daahir oo saxaafadda la hadlay qarraxa kaddib.

Waxaa kaloo qarraxa uu wax yeelo soo gaarsiiyay gawaari iyo dhismooyin ku yaallay hotelka, sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho.

Hotelka uu qarraxa ka dhacay waxaa xilligaas ka socotay xaflad loogu dabaal dagayay sannadkii guuradii labaad ee ka soo wareegtay Idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho markii la dhisay.

Waxaa xafladda ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya waxaana ka mid ahaa afhayeenka madaxweynaha Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow iyo afhayeenka ra’iisal wasaaraha Ridwaan Xaaji Cabidweli.

Dadkii ku sugnaa xafladda waxbo ma aaney gaarin, waxaana markii qarraxa uu dhacay la sheegay in dadka ay kala carareen iyagoona ka cabsi qabay in qaraxyo kale ay ka dhacaan goobta.

Ma jirto cid sheegatay qarraxa maanta ka dhacay Hotelka Makah Al-Mukaramah oo ku yaalla waddo muhiim ah oo ay adeesadaan madaxda dowladda.

Waa weerarrkii labaad ee lagu qado Hotelka Makah Al-Mukaramah, 8-dii bishii November ee sannadkii horre ayaa weerarrar lagu qaaday xilli habeen ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com