28.9 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Howl-galka AUSSOM ee Soomaaliya wajahaya xaalad adag – Maxaa soo kordhay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo suuragalnimada in uu baaqdo shir heer sare ah oo lagu waday in lagu qabto magaalada Doha dhammaadka bisha May.

Shirka ayaa waxaa loogu tala-galay in lagu helo maalgelin cusub oo lagu xoojinayo howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), si uu u sii wado dadaallada nabad ilaalinta ee ka socda dalka.

Shirkan ayaa markii hore la qorsheeyay inuu dhaco dhammaadkii bisha April, hase yeeshee dib ayaa loo dhigay, iyadoo weli aan la shaacin taariikh rasmi ah. Taasi waxay keentay shaki weyn oo ku saabsan in shirku dhab ahaantii qabsoomi doono, taasoo la micno ah in fursaddii ugu muhiimsaneyd ee lagu heli lahaa taageero dhaqaale ay lumin karto.

Wararka ka imaanaya ilo xog ogaal ah ayaa muujinaya hubanti la’aan weyn oo ku saabsan qabsoomidda shirka. Xitaa haddii uu dhaco, waxaa jira cabsi ah in uusan keenin natiijooyin dhaqaale oo ku filan oo lagu sii wadi karo howl-galka AUSSOM, taasoo khatar ku ah joogtaynta nabadda iyo hawl-galka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa la daala dhacaya culaysyo maaliyadeed tan iyo markii la bedelay howl-galka AMISOM loona beddelay AUSSOM. Dhaqaale la’aantaas ayaa si toos ah u saameysay waxqabadka ciidamada iyo kalsoonida howl-galka, taasoo dhalisay walaac ku saabsan awoodda uu u leeyahay in uu la tacaalo xaaladda amni ee sii cakiran ee Soomaaliya.

Falanqeeyayaal arrimaha amniga iyo siyaasadda ah ayaa qaba in xal waara uusan ku imaan karin oo keliya joogitaanka ciidamada ajaanibta. Waxaa la is weydiinayaa sida ay suurtagal u tahay in amniga la sugo iyadoo aan jirin isfaham siyaasadeed oo gudaha ah.

Waxaa intaa dheer, isqab-qabsiga u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa noqday caqabad weyn oo hor istaagaysa horumar siyaasadeed iyo mid amni.

Sidoo kalenwaxaa arrintansii murjiyay guuldaradii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kala kulmay isku daygii uu ku doonayay in uu ku ansixiyo qaraar cusub oo taageera AUSSOM. Dib u dhacaas ayaa mugdi weyn ku sii reebay mustaqbalka howl-galka, iyadoo xaalad amni darro iyo dhaqaale xumo weli ka jirto gudaha dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News