IGAD oo qaadatay go’aan in badan ay naawileysay dowlada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan dhexmaray Xubno ka tirsan Barlamaanada urur goboleedka IGAD, ayaa waxaa laga soo saaray go’aan ku aadan in si hagar la’aan ah loo taageero doorashooyinka la filaayo in dhawaan ay ka dhacaan Somalia.

Kulanka ayaa waxaa lagu soo hadalqaaday kaalinta Baarlamaanka IGAD kaga aadan doorashooyinka kala horeeya ee Somalia ka dhici doona, waxa ayna isku raacen in DFS dhinac waliba laga taageero sida Xulista Xubnaha Aqalka Srae, Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Doorashada lagu dooran doono Madaxweynaha cusub ee Somalia.

Kulanka waxaa sidoo kale looga dhawaaqay in dowlada Somalia loogu deeqo lacago loogu tala galay in lagu fududeeyo doorashooyinka la filayo iney Somalia ka dhacaan.

Baarlamaanka IGAD waxa uu sidoo kale sheegay in ahmiyadooda ay tahay in Somalia laga saro qaado halka ay iminka mareyso, maadaama ay Somalia iminka barbar socto dowladaha dhigeeda ah ee Africa.

Dowlada Somalia ayaa dhowr jeer IGAD ugu baaqday inay qeyb ka qaadato isbedelada ka socda dalka Somalia ee dhinac waliba saameynaaya.

Dhinaca kale, go’aanka Baarlamaanka IGAD ayaa kusoo aadaya xili dowlada Somalia ay ka cabaneyso dhaqaale xumi heysata.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com