Boorsaani oo dhinaciisa ka raacay go’aanka Xasan Sheekh ee badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Gobolka Banaadir uusan ka raali noqon doonin go’aanka ay dowlada Kenya ku xalaaleysaneyso Badda Somalia.

Boorsaani waxa uu sheegay inaanu raali ka noqon doonin in Badda Somalia ay ku nacfiso dowlada Kenya waxa uuna cod dheer ku sheegay in Somalia ay dib usoo ceshaneyso Badda qeybta ka maqan.

Guddoomiye Boorsaani waxa uu tilmaamay inay dhamaatay xiligii lagu tagrifali jiray Hantida Qaranka Somalia, waxa uuna ka biya diiday in gorgortan laga galo Biyaha Somalia.

”Anigu waxaan ku tallo ahay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh, qaadan meyno go’aanka ay dowlada Kenya ku dooneyso gorgortanka waxaan ku qanceynaa go’aanka kasoo baxa Maxkamada ICJ”

”Cidii dooneyso inay xalaaleysato hantida Qaranka waxaan u sheegeynaa in Somalia aysan aheyn Soomaalidii hore”

Boorsaani waxa uu sheegay in aragti ahaan uu ku feker yahay Madaxweynaha Somalia, waxa uuna meesha ka saaray wararka sheegaya in Somalia looga itaal roonaan doono Dacwada ka furan Maxkamada ICJ.

Boorsaani waxa uu tilmaamay in badbaadinta dhulka Soomaaliyeed ay u huri doonaan dhiigooda iyo sidoo kale hantidooda.

Haddalka Boorsaani ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha dalka uu goorsii horeysay shaaca ka qaaday inay ku qanacsan yihiin go’aanka ICJ.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com