Wareysiyada Xasan Sheekh oo hal qodob kusoo biya shubtay (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ka hadlay doorashooyinka la filaayo in dhawaan ay ka dhacaan dalka Somalia.

Madaxweyne Xassan ayaa sheegay in Somalia ay ka gudbeyso marxalad adag, isla markaana ay u gudbeyso mid ka wanaagsan marxaladihii hore ee foosha xumaa.

Xassan Sheekh waxa uu sheegay in dowladiisu ay ku taameyso dhaqan galinta xiliga doorashooyinka waxa uuna been abuur ku tilmaamay wararka qaar oo ay faafinayaan kuwa kasoo horjeeda Xasiloonida Somalia ee ku aadan dib u dhac mar kale ku imaada doorashada Somalia.

Xassan waxa uu tilmaamay in qasdiga dowladiisu aysan aheyn in dib loo dhigo doorashada Somalia, hayeeshee dib u dhaca ay sabab u aheyd wakhti yare qabsatay dowlada Somalia.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa ”Waxa ay ahmiyadu tahay in mar waliba lagu kalsoonaado dowlada, waxaa jira kuwo aan u nugleyn xasiloonida Somalia balse waxa ay muhiimadeenu tahay in Somalia laga qaado halka ay taallo, isla markaana loo qaado meel ka wacan meesha ay hadda taagan tahay”

”Bil iyo laba bilood oo ay dib u dhacdo doorashada waxba sooma kordhineyso waxaase ka weyn in doorashada lagu qabto jawi ka wacan kii hore”

Xassan sheekh waxa uu sheegay in min Muqdisho ilaa Gobol la gaarsiin doono doorashada Somalia, waxa uuna meesha ka saaray in dib u dhac labaad uu ku imaado doorashada Somalia.

”Qorshaheenu waxa uu yahay inaanu qabano doorasho taariikhi ah waxaanu dooneynaa inaanu doorashada gaarsiino ilaa Gobolada ay hadda ka socto diyaar garowga shacabku waxaa looga baahan yahay inaysan arag wixii xun balse ay arkaan wixii wanaagsan”

Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay inay Dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinka dadban ee heer federal iyo heer dowlad goboleed ay ka go’an tahay in la ilaaliyo jadwalka doorashooyinka sidii horey loogu heshiiyay.

Bishan September 25 keeda ayaa waxaa la filayaa inay bilowdaan doorashooyinka labada aqal (Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare), iyadoo bisha October 25-keeda la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka. Doorashada Madaxweynaha ayaa iyana dhici doonta bisha October 30-keeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com