Siyaasiyiin walaac ka muujiyay khilaafka DF iyo duubabka Hiiraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa digniino adag kasoo saaray in Gobolka Hiiraan looga dhawaaqo maamul kasoo horjeeda kan iminka lagu dhisaayo magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe.

Siyaasiyiintu waxa ay sheegen in ku dhawaaqida maamulo is khilaafsan ay keeni karto colaado sukeeye, waxa ayna ku baaqen in dowlada Somalia ay ka fiirsato dhismaha maamulka lagu yagleelaayo magaalada Jowhar iyo kan lagu diyaarinaayo magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Duubabka ku sugan magaalada Beledweyne ayay ugu baaqen inay dajiyaan xiisada ay abuurayaan waxa ayna ka digeen inay ku dhawaaqan maamulka lidi ku ah kan ay dhiseyso dowlada Somalia.

Siyaasi Cabdiraxmaan Xuseen Cadow oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, ayaa walaac gaar ah ka muujiyay go’aanka ay ku dhawaaqen duubabka Hiiraan waxa uuna sheegay in go’aanka ay ku dhisayaan maamulka cusub uu carqalad ku noqon doono horusocodka Gobolka Hiiraan.

Cadow waxa uu sheegay in dhibta ka imaada maamulada is barbaryaacaaya ee laga dhisaayo Jowhar iyo Beledweyne ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto dowlada Somalia.

”Wey wanaagsan tahay in shacab waliba ay sameystaan maamul mideeya oo ka shaqeynaaya arrintooda, waxa aysa nasiib daradu tahay in lagu dhawaaqo laba maamul oo isku hadaf ah balse kala siyaasad duwan”

”Wax dhib ah kuma jira in Hiiraan laga dhiso maamul ay hogaaminayaan duubabka, balse waxaa nasiib darro ah in la sameeyo maamulo is khilaafsan”

Si kastaba ha ahaatee Cadow ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay la imaado tallo wanaagsan oo ka duwan tan iminka ay ku dhiseyso maamulka ay gogoshiisu taal magaalada Jowhar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com