Shariif iyo Farmaajo oo ku wajahan Xamar iyo DF oo soo saartay warqad yaab leh oo ceebeysay Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa caawa soo saaray warqad sharaf dhac iyo ceeb ku ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Warqaddan, oo la rumeysan yahay in Xasan naftiisa uu ka dambeeyo, ayaa waxaa lagu sheegay in muddo 60 maalmood ah imaatinka garoonka laga mamnuucay dhammaan warbaahinta qeybaheeda kala duwan, sababo lagu sheegay xag amni.

Waxaa is-weydiin mudan, haddii taalabdan ay tahay mid amni lagu sugayo maxaa loogu koobay kaliya 60 maalmood. 60 maalmood waa inta ay socdaan ololaha doorashooyinka ugu badnaan.

Waxaa sidoo kale is-weydiin mudan, ma weriyayaasha ayaa horey loogu bartay inay falal amni darro ah ka gaystaan garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xaqiiqda ayaa ah in arrintan ay tahay mid la doonayo in looga hortago in warbaahinta ay bulshada tusto imaatinka musharaxiin dhowr ah oo magaalada ku wajahan, ayna ugu weyn yihiin Shariifka iyo Farmaajo.

Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in maalinta berri ah uu Muqdisho ku wajahan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa sidoo kale la filayaa in toddobaad gudihiis uu Muqdisho ku gaaro ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Go’aanka ayaa muujinaya sida madaxweyne Xasan Sheekh uu u caburinayo musharaxiinta kale, iskuna dayayo inuu bulshada ka horistaago inay gaaraan fariimahooda.

Waxa tani sidoo kale burineysaa ballanqaadyadiisii hore ee ahaa inaan la cuburin doonin musharaxiinta kale.

Waa astaan muujineysa fuleynimo iyo isku kalsooni la’aanta uu qabo Xasan Sheekh.

Hoos ka arag warqadda kasoo baxday dowladda

cadeyn

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com