Muxuu Jawaari ka yiri dhaqaalaha culus ee DF Somalia loogu deeqay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan ”Jawaari”, ayaa ka hadlay taageerada ay dowlada Somalia ka heleyso dowladaha ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.

Jawaari waxa uu sheegay in Ujeedka ururkaasi loo sameeyay ay tahay inay isaga warqabaan dowladaha ku mideysan, waxa uuna tilmaamay in mar waliba ay IGAD ka filayaan isgarabtaaga Somalia.

Guddoomiye Jawaari waxa uu bogaadiyay sida wanaagsan ay dowladaha ku mideysan urur Goboleedka IGAD u amaanayaan horumarada ay ku talaabeyso Somalia, waxa uuna sidoo kale sheegay in Somalia ay horay uga sii socon doonto halka ay iminka taagan tahay.

”Somalia wey ka mahad celineysaa sida hagar la’aanta ah oo ay garabka uga heleyso IGAD, Somalia wey kasii ambaqaadi doontaa halka ay iminka taagan tahay horumarada sidaa ahna waxa ay wanaageeda usoo laaban doontaa dowladaha Africa ee saaxiibada u ah Somalia”

”Guul ayay noo tahay in IGAD ay noo muujiso walaaltinimadii aan ka fili jirnay waxaana rajeyneynaa in wanaaga uu intaa kasii bato”

Jawaari waxa uu sidoo kale bogaadiyay dhaqaalaha ay Barlamaanada urur goboleedka IGAD ugu deeqen Somalia, waxa uuna ballanqaaday in dhaqaalahaasi lagu bixin doono halkii loogu tallo galay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in Wadamada kale ay usoo jeestaan taageerada Soomaaliya iyo doorashooyinka.

Haddalka Jawaari waxa uu imaanayaa iyadoo Barlamaanada urur goboleedka IGAD ay ku dhawaaqen in Somalia ay ka garabsiin doonaan doorashada la filaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com