Maxaa ka run ah ku lug lahaanshaha Sheekh Shariif ee arrinta badda?

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online): Maalmahan waxaa isa soo tarayay eedeyn loo jeedinayey madaxdii dowladdii  uu hogaaminayay M/weynihii hore Shariif Shiik Axmed, iyada oo lagu eedeynayay inay muran galiyeen badda Soomaaliya, hadaba aan bal eegno waxa ka run ah ku lug lahaanshaha Shariifka ee arrintaas.

Ugu horeyn sharciga MOU ee heshiiska qolfoof badeedka Soomaaliya waxaa sixiixay dowladdii kacaanka 26kii Janaayo iyo 9kii Febuary sanadkii 1989, taasi oo aan si rasmi ah looga diiwaan galin qaramada midoobey, hase yeeshee waxaa loo baahday in la cusbooneysiiyo sanadkii 2009kii taasi oo ay sixiixdey xukuumaddii R/wasaare Cumar Cabdi Rashiid ee berigaasi jirtay, barlamaanka ayaana diiday oo laalay sixiixaasi xukuumaddu ay gashay, iyada oo go’aanka Barlamaanka uu sixiixay oo uu taageerey M/weynihii dowladdaasi Shariif Shiikh Axmed.

Sharci ahaan xukuumadda ayaa ah hay’adda fulinta ee dalka, keentana hindisayaasha sharciyadeed iyo heshiisyada caalamiga ah marka ay heshiis galaana waxaa loo gudbiyaa golaha sharci dejinta ee Barlamaanka kaasi oo taageera ama diida, kadibna waxaa loo gudbiyaa M/weynaha oo go’aanka Barlamaanka sixiixa ama kusoo celiya haddii uu ku qanci waayo, haddaba Muxuu sameeyey Shariif Shiikh Axmed M/weynihii Dowladdaas oo dad khaasa oo dana siyaasadeed oo raqiis ah ka leh ay magaciisa kusoo dareen kiiska eedda heshiiska badda ee MOU.

Ugu horeyn xafiiska M/weynaha lama socdo qorshaha xukuumadda oo waa ay u madax banaan tahay shaqadeeda ilaa ay soo marto marxalada kala duwan oo dastuuri ah oo ay kamid tahay in lagala tashto ama in Barlamaanka uu u gudbiyo go’aanka uu ka qaatay qorshe xukuumaddu ay keentay.

Marka labaad M/weyne Shariif markii uu soo baxay muranka kiiska badda  wuxuu caddeeyey mowqifkiisa isaga oo xusay in aysan jirin cid dhulka Soomaaliya bad ama barri dhiibi karta, wuxuuna taageeray  go’aankii Barlamaanka uu ku laalay heshiiskii MOU ee isfahamka dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, wuxuuna sixiixay go’aankii barlamaanka ee diidamada heshiiska oo uu sharciyeeyey, islamarkaana uu ku amray xukuumadda iyo R/wasaare sharmarke inay fuliyaan go’aanka Barlamaanka dalka, taasi oo muujinaysa in M/weynihii berigaasi Shariif Shiikh Axmed uusan wax lug ah ama xiriir ah uusan ku lahayn qorshihii xukuumadda maadaama uu yahay shaqsiga ugu sareeya dalka oo ilaaliya qaybaha dowladdu ay ka kooban tahay, ilaaliyana dhulka bariga iyo badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

YAA KA DAMBEEYA BEEN ABUURKA SHARIIF LAGA SAMEEYEY OO BUUN BUUNINAYA?

Kadib markii dowladda uu waqtigeedii dhamaaday madaxdeeduna ay yihiin musharixiin, ayna u cadaatay in M/weynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed uu dalka ku soo socdo, islamarkaana ay u arkaan  musharax qatar ku ah hamigooda siyaasadeed ayaa waxay bilaabeen taariikhda markii ugu horeysey in ay magaciisa kuso daraan ceebeynta kiiska badda iyaga oo ujeedkooduna yahay in shacabka tashwiish la geliyo, iyo inay ku mashquuliyaan bulshada dowladda Xassan Shiikh fashilkeeda wixii loo igmaday oo ay ka dhamaatay waqtiga ayna rabaan in bulshada ay badda un ka hadasho lana hilmaansiiyo fashilka siyaasadeed ee ay kujiraan, waxaana shaki ku jirin in Shariif Shiikh Axmed uu ahaa shaqsigii horseedey dowladnimada Soomaaliya ee rasmiga ah waana M/weynihii dalka ka hirgaliyay madax lagu doorto gudaha dalka oo si nabad ah isku bedesha 45 sano kadib doorashadii Aadan Cadde iyo Cabdirashiid Cali Sharmarke alaha u naxariistii.

Ugu dambeyntiina haddii Dowladdan waqtiga uu ka dhamaadey ay run katahay arrinta badda maxay ahayd sababta ay markale usoo magacaabeen R/wasaarihii xukuumaddiisa ay muran badeedkan keenay mas’uulna ka ahaa, xaqiiqdii shaki kuma jiro in saan tirtirasho un ay u raadinayaan xilalkii loo igmaday oo ay gudan waayeen oo ay ku fashilmeen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com