IGAD oo war kasoo saartay wada-hadallada cusub ee laga qorsheynayo Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Urur Goboleedka IGAD ayaa goordhoweyd war-murtiyeed kasoo saaray xaalada dalka, gaar ahaan dalabkii uu dhawaan madaxeynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo u gudbiyay guddoomiyaha Midowga Afrika ee madaxweyne Congo, Felix Tshisekedi.

IGAD ayaa soo dhaweeysay “hindisaha la soo jeediyay ee dib wada-hadalada loogu bilaabayo Saamileyda siyaasadda dalka,” si loo xalliyo xaalada cakiran ee ka taagan siyaasadda Soomaaliya.

Waxay sheegtay in dhinacyada is-diidan ee saamileyda siyaasada ay fursad siiyaan hidisahaan cusub, si loo galo wada-hadal furan oo miro-dhal ah.

“IGAD waxay markale ku celinaysa in wada-hadalku uu weli yahay midka ugu fiican ee isku-xirnaanta qaran, siyaasad loo dhan yahay, dhismaha nabadda, dib-u-heshiisiinta, amniga aadanaha iyo xasilloonida,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay IGAD.

Sidoo kale waxay hogaamiyeyaasha IGAD ugu baaqeen siyaasiyiinta Soomaalida inay is-xakameeyaan oo ay ka fogaadaan talaabo kasta oo sii xoojin karta xiisada taagan, midaasi oo keeni karta isku dhac dhex-mara dhinacyada is-diidan.

“Waxa ku boorineyna dhamaan daneeyayaasha inay fursad siiyaan hindisaha cusub, oo dib loogu celiyo meel furan, ayada oo la galayo wada-hadal hufan oo wax ku ool ah, kaasi oo dan u ah dadka Soomaaliyeed iyo in hore looga socdo dib u dhaca siyaasadeed.”

Si kastaba, wada-hadallada ay IGAD boorineyso ayaa waxaa hore u diiday Madasha Badbaado Qaran, ayada oo sheegtay in isku dayga uu yahay mid Farmaajo uu dadka ku maaweelinayo, waqtigana kusii dheereysanayo.

Qoraalka IGAD ayaa imanaya xili uu dhawaan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday u ambabaxay dalka DR Congo, kana codsaday madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi inuu dhex-dhexaadiyo saamileyda Soomaalida ee ku muransan arrimaha doorashada.

Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya iyo madaxtooyada DRC ayaa sidoo kale qoraalo ay soo saareen ku xaqiijiyey in Farmaajo doonayo in madaxweyne Félix Tshisekedi uu saamileyda Soomaalida u qabto wada-hadallo lagu gaaro heshiis doorasho, oo aan la shaacin nooca ay yihiin.

Xaalada Soomaaliya ayaa kasii dartay, tan iyo markii uu soo baxay qaraarka Golaha Shacabka ee uu muddo kororsiga ugu sameeyay Farmaajo, lamana oga in saamileyda siyaasaddu ay aqbali doonaan wada-hadal dhex-mara madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday oo asagu sii dheereystay xukunka dalka.