Iidle Yare oo shaaciyey sababta ku kaliftay qoraalkii murugada xambaarsanaa

Nairobi (Caasimada Online) – Gelinkii dambe ee Sabtidii shalay ahayd, waxaa baraha bulshada oo ay Soomaalidu ku wada xiriirto aad ugu faafay farriin uu Facebook soo dhigay fannaanka Cabdiraxmaan Cabdullahi Nuune (Iidle Yare), taasoo walaac badan ku abuurtay dadka.

Iidle Yare ayaa farriinta ku sheegay in “Alle uu uga tegay ilmihiisa”, taasoo loo fasiray inuu taagan yahay xaalad quus ah, isla markaana uu isu diyaariyey geeri.

Tan iyo xalay, waxaa Nairobi ka socday dedaallo ay wadeen asxaabta iyo ehelka fannaankaas oo lagu xaqiijinayay badqabkiisa iyo halka uu ku sugan yahay.

“Shalay ayaan guriga ka baxay anigoo aaday cisbitaal. Markaas waxaa i xanuunayay gows. Markii aan cisbitaalka tegay, waxaa la ii sheegay in sokortayda ay kacsan tahay,” ayuu yiri Iidle Yare oo maanta ka soo muuqday muuqaal ay ka duubeen dad ku booqday guri uu ku sugnaa.

“Waan dhacay (suuxay). Qol ayaa la i seexiyay. Waxaan soo kacay anigoo moodaya in aan aakhiro joogo. Waxaan is iri waad dhimatay oo ma noolid. Dadka meesha ka shaqeynayay waxa ay xirnaayeen kabo caag ah oo gadaal ka xiran,”ayuu yiri fannaanka xanuunsan.

“Halkii aan ka dhihi lahaa ilmahayga Soomaali ayaan idin kaga tegay, waxaan go’aansaday in aan iraahdo Alle ayaan idiinka tegay ilmahayga,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Iidle Yare ayaa soonkii la soo dhaafay baahiyay muuqaal uu kaga hadlayo in cudurka macaanka awgii uu gudan waayay waajibkaas, taa bedalkeedana uu masaakiin quudiyo.

Waxa uu sidoo kale maanta sheegay inay buro kaga taallo madaxa, isla markaana uu dareemayo xanuun badan.

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Nairobi, Maxamed Cali Ameeriko oo kamid ahaa dadka booqday fannaanka xanuunsan ayaa ka codsaday Soomaalida inay u duceeyaan.