Sawirro: Aadan Madoobe oo ku dhowaaqay war culus oo la xiriira baarlamankii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer indha indheyn ah ku tagay xarunta weyn ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu horreyn Guddoomiyaha ayaa  guud ahaan kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay dhismaha weyn ee xarunta Golaha Shacabka, isaga oo horay u ballan qaaday in dib u dhis balaaran uu ku  sameyn doono mustaqbalka dhow. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegey in dhismaha lagu soo kordhin doono qayb Machad aqoon kororsi, taas oo wax badan u tari doona bulshada Soomaaliyeed.

Xaruntaan ayaa xirneed labadii sano ee u dambeesay, ayada oo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu si ku meel gaar ah uu ugu shaqeeyo xarunta Villa Hargeysa oo ku taal Madaxtooyada Soomaaliya.