Ilhaan Cumar oo shaacisay inay guursatay Tim Mynett

New York (Caasimadda Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada ee dalka Mareykanka lagana soo doorto Minnesota ayaa ku dhawaaqday inay guursatay

Ilhan ayaa barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawir iyada iyo seygeed cusub ee Tim Mynett. Tim ayaa horay u ahaa la-taliyaha Ilhan Cumar ee arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka.

“Waan guursaday, waxaan lamaane ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, waa barako, Alxamdulilaah”, ayay Ilhan ku qortay sawir ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Instagram-ka.

Sanadkii hore xaaska Mynet oo lagu magacaabo Beth Mynett oo 55 sano jir ah ayaa dalbatay in la furo kadib markii ay shaacisay in seygeeda Mynet uu xiriir jaceyl la leeyahay Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Sidoo kale Ilhaan Cumar ayaa seygeedii hore ee Axmed Xirsi Bishii October ee sanadkii hore ka dalbatay inuu furo, waxayna isku dhaleen ilaa 3 caruur ah oo laba kamid ah yihiin Gabdho.

Dhanka kale Axmed Xirsi ayaa dhowr bil kadib ku aqal galay gudaha Soomaaliya, waxaana sidaas kusoo afjarmay noloshii ay muddo wadaagayeen Ilhaan iyo Axmed.

“Xiriirkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho lahayn,” sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u gudbisay Ilhan.