Trump oo xayiraad socdaal kusoo rogay dalalka Yurub

New York (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in xayiraad dhanka socdaalka ah uu kusoo rogay dadka dalkiisa uga imaanaya qaaradda Yurub.

Go’aanka kasoo baxay Madaxweyne Trump ayuu sabab uga dhigay inay tahay sidoo looga hortagi lahaa cudurka CoronaVirus oo si aan caadi aheyn ugu faafayo adduunyada.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa amar ku bixiyey in dadka ka imanaya Yurub aysan Mareykanka soo geli karin muddo 30 maalmood ah, isaga oo ka jawaabaya walaaca laga qabo cudurka Coronavirus ee kusii faafaya Mareykanka.

“Waxaanu isticmaaleynaa awoodda buuxda ee dowladda federalka Mareykanka iyo tan dadweynaha si loo bad-baadiyo dadka Mareykanka,” ayuu yiri Trump oo xalay khudbad u jeediyey dadweynaha Mareykanka.

Xayiraadaas ayuu Trump ku sheegay inay tahay “mid adag balse loo baahan yahay”, wuxuuna sheegay in xayiraadaan aysan saameyn ku yeelan doonin dalka Ingiriiska oo la og yahay in laga helay illaa 460 kiis oo ku saabsan cudurka Corona Virus.

1,135 kiis oo xanuunka corona ayaa ilaa hadda la xaqiijiyey in laga helay dalka Mareykanka iyadoo ay xusid mudan tahay inay u geeriyoodeen illaa 38 qof.

“Si loo joojiyo in kiisas cusub ay dalkeena soo galaan, waxaan hakinay dhammaan duulimaadyada inooga yimaada Yurub,” ayuu yiri Mr Trump.

“Tani waa dadaalkii ugu dhameystirnaa uguna adkaa taariikhda ee looga hortagayo fayruska ka imanaya dibedda,” ayuu yiri Trump.

Amarkan socdaal oo billaabanaya saq-dhexe habeenka Jimcaha, ma saameynayo dadka Britain iyo kuwa Mareykanka ee kasoo laabanaya Yurub, sida uu sheegay Trump.

Xannibaaddan lama filaanka ah ayaa hoos u dhac xooggan ku hogaamisay suuqyada maaliyadda caalamka ayada oo Suuqa Euro Stoxx 50 uu lumiyey 8.3%, oo ah heerkii ugu hooseeyey tan iyo 2016, halka suuqyada saamiyada Mareykanka ay lumiyeen 4% ka hor inta aan la furin.