Washington (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa si adag ugu jawaabtay Madaxweyne Donald Trump oo dhowaan iyada weerar ku qaaday, sidoo kale u gefay dalka ay kasoo jeedo Soomaaliya.
Ilhaan ayaa shaaca ka qaaday inay ku faaneyso muslinimada iyo Soomaalinimada, sidoo kalena ay ku faraxsan tahay in ay qaadato dhalashada dalka Mareykanka.
โWaan ku faanaa in aan Muslim ahay, waan ku faanaa in aan ka dhashay Soomaaliya, waana ku faanaa in aan ahay Ameerikaan, cidna wax igama baddeli kartoโ ayay tiri Ilhaan.
Sido kale waxa ay intaasi kusii dartay in aysan jirin cid ka xayuubi karta xubinimadeedaย Xildhibaanimo, iyada oo Trump iyo xulufadiisa ku eedeysay in ay dhinac iska dhigayaan shuruucda dalkaas.
Waxaa kale oo ay hoosta ka xariiqday in marnaba la aqbali karin hadallada kasoo yeeraya Madaxweyne Trump uu u adeegsanayo shaqsiyaddeeda iyo dalka ay kasoo jeedo Soomaaliya, waxa ay si asluubaysan u fartay in uu aqristo nidaamka sharci dejinta oo si qaldan u fahmay.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa Khamiistii lasoo dhaafay si xun u weeraray xildhibaan Ilhaan Cumar iyo Soomaaliya, maalin kadib markii Aqalka Hoose uu fashiliyey qaraar lagu doonayey in lagu canaanto xildhibaanadda Minnesota isla markaana laga saaro guddiyada ay ku jirto.
“Aniga ahaan, waa qof aad u liidata. Waxaan aaminsanahay in ay mudan tahay in xilka laga qaado. Waa qof aad u liidata,” ayuu madaxweynuhu ku yiri weriyeyaasha isagoo saaran diyaaradda Air Force One maalintii Khamiista.
Sidoo kale, Trump oo aflagaadeynaya Soomaaliya ayaa yiri “Haddaba, sidee xaaladoodu tahay? Sidee tahay dawladdoodu? Madaxweyne ma leeyihiin? Gole ma leeyihiin? Wax kale ma leeyihiin? Boolis ma leeyihiin? Waan jeclahay dadkan.”
“Waxay ka yimaadeen meel aan waxba oollin, waxba, maya, waxba, ka dibna waxay noo sheegayaan sida loo maamulo dalkeenna.” “Haddii la cambaareeyo, taasi waa wax weyn, haddii xilka laga qaadana, xitaa way kasii fiican tahay,” ayuu raaciyay.
Hadallada Trump ee ku saabsan Ilhaan, oo ku dhalatay Soomaaliya ka hor inta aysan qoyskeedu imaan Mareykanka sannadihii 1990-meeyadii, ayaa yimid kadib markii Aqalka Wakiillada uu u codeeyay in meesha laga saaro qaraar ay soo gudbisay Xildhibaan Nancy Mace (R-S.C.), kaasoo lagu doonayay in lagu cambaareeyo xildhibaannada Minnesota.