Imaaraadka: “Ma faragelin madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiiru dowlaha dalka Imaaraadka Carabta ayaa kashifay in heshiiska Imaaradka ee Dekadda Berbera ay ogaaleen, waxna ka ogaayeen heshiiska ay la galeen Somaliland iyo Dekadda Berbera.

Wasiiru dowlaha Areimaha dibadda Imaaraadka Anwar Qarqaash ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin midnimada Soomaaliya, isla markaana aysan Somaliland ku lahayn Qunsuliyad, ujeedkooduna ahaa inay taageeraan horumarka dhaqaale, iyadoo uu caddeyay in heshiiska Dekadda Berbera ay ogaayeen dowladihii hore ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa si weyn u cambaareeyay falkii lagula kacay diyaarad ay lahayd Imaaraadka iyo lacag loo waday ciidamada Soomaaliya oo lagu qabtay, wuxuuna sheegay in arrintaasi ay sharci darro ahayd oo aan loo baahneyn in qol mugdi ah xal looga qaado.

“Wax kasta waa inay noqdaan wax cad oo aan mugdi lahayn, ma aqbali karno in lacag iyo ciidamo wada la xayiro, kadibna lala wareego lacagtii oo la yiraahdo qol ayaan ku xalineynaa..” ayuu yiri wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Anwar Qarqaash oo wareysi siiyay BBCArabic.

Sidoo kale Anwar Maxamed Qar-qaash Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa dhaliilay qaabkii loola dhaqmay Diyaaradii dhawaan lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho taas oo laga lahaa Dalka isu tagga Imaaraadka.

“Dal muddo 15 sano ilaa 20 sano Saaxiib kula ahaa ku caawinayay maahan in khilaaf yar oo yimid kula dhaqanto sida Cadowgaaga oo kale , in la qal qal geliyo Saraakiil tababaray Ciidamo Soomaali ah iyo in lala wareego lacag ugu talagalnay in dadkaaga aan ku caawaino”ayuu mar kale yiri Anwar Maxamed.

Dhinaca kale Anwar Maxamed Qar-qaasha Wasiiru Dowladaha Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in kaalin ay ka qaateen dhex dhexaadinta Soomaaliya iyo Soomaaliland dhowr jeerna ay shirar ugu qabteen Magaalooyinka waa weyn dalkaasi waxa ay raadinayaan ay tahay Midnimada iyo Madaxbanaanida Soomaaliya.

Sida ay Dowladda Soomaaliya u wado wadahadalka hada Socda ayuu dhaliilay Wasiirka.

“In qol mugdi ah lagu xaliyo wixii dhacay oo aan ka fiirsasho lahayn waxaan u arkaa in aysan waxbo ku hagaagayn” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda Imaaraadka Carabta.

Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa mudooyinkaan waxaa ka taagnaa khilaaf Culus kaas oo saameeyay gaar gaar badan oo ay Imaaraadka ka wadeen Soomaaliya, sidoo kale Imaaraadka ayaa lagu eedeeyay faragelin toos ah ku sameeyay Dowladda soo koreysa ee Soomaaliya.

Xaaladda siyaasadeed ee Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa meel xun mareyso, waxayna xogta sheegeysaa inay imaaraadka ku dhawaaqi rabto go’aan ay ku joojineyso sharciyada ay siiso muwaadiniinta Soomaaliya, waxayna sidoo kale qorsheeneysaa inaysan sharciyada u cusbooneysiin haddii ay muwaadiininta Soomaaliya ka dhacdo inta laga xalinayo xiriirka labada dal ee xumaaday.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com