Imaaraadka Carabta oo qaadeysa tallaabo dhibaato ku noqon doonto kumanaan Soomaali ah

Abu Dubai (Caasimadda Online) – Sida ay sheegayaan xogta la helayo dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqi rabto tallaabo dhibaato weyn ku noqon doonto Kumanaan qof oo Soomaali ah.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa qorsheeneyso inay ku dhawaaqdo xayiraad la saari doono dadka u dhashay Soomaaliya ee ku nool dalkaas.

Dowladda ayaa joojin rabto inay dadka soomaalida siiso Sharciga Iqaamada u ogolaaneyso inay ku noolaadaan dalkaas isla markaasna ay ka shaqeystaan.

Dowladda ayaa joojin rabto soo saarista Iqaamada la siinayo dadka Soomaalida ah, sidoo kale waxay joojin rabtaa inay cusbooneysiiso kuwa hadda heysto iqaamada marka la gaaro waqtiga dhicista.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa arrintaan sabab uga dhigtay xiriirka labada dal oo sii xumaanayo, waxayna tallaabadaan saameyn xoog leh ku yeelan doontaa  Kumanaan qof oo Soomaali ah oo ka shaqeysto dalkaas.

Dowladda Imaaraadka ayaa tallaabadaan ka noqon doonto haddii uu soo fiicnaado xiriirka ka dhaxeeyo labada dal sida uu qorshu yahay, waxaana muuqato inay Imaaraadka dooneyso inay dowladda Soomaaliya cadaadis ku saarto inay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo celiso xiriirkii ka dhaxeeyey labada dal.

Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya ayaa lahaa xiriir aad u weyn iyadoo inta badan Soomaalida ay ganacsigooda ku xirnaa dalkaas, wuxuuna xiriirkaan xumaaday sababi doonaa dhibaato hor leh oo soo wajahdo Soomaalida.

Tallaabada sii xumeysay xiriirka labada dal ayaa aheyd kadib markii ay dowladda Soomaaliya qabatay lacag ay Imaaraadka sheegtay inay ugu talagashay ciidamada ay u tababartay Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa hore ugu dhawaaqday inay joojisay howlihii tababara ciidamada ay ka waday Soomaaliya, sidoo kalana waxay xirtay Ibsitaal ay ku laheyd Magaalada Muqdisho.

Haddii ay si rasmi ah Imaaraadka ugu dhawaaqdo go’aankaan waxaa hubaal ah inay noqon doonto saameyn aan muddo ku imaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku nool dalkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com