Prof. Saalim Caliyow Ibrow oo ku dhawaaqay inuu u tartamayo xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka

Muqdisho (Caasimadda Online)- Wasiirka Macdanta iyo Kheyraadka Biyaha Prof. Saalim Caliyow Ibrow ahna mudane ka tirsan Golaha Shacbiga ee Baarlamanka Federalka Soomaaliyeed (10-aad) ayaa manta 18ka April 2018 isu soo taagay qabashada xilka Gudoonka Baarlamaanka, wuxuuna kaga dhawaaqay xaflad uu ku qabtay Hoteel Golobal ee magaaladda Muqdisho.

Xildhbaan Saalim Caliyow Ibrow oo in mudo ah ku soo jiray Siyaasada dalka ku dhawaad 45 sano, ayaa sheegay inuu quud dareynayo hanashada xilka Gudoonka Baarlamanka

“Xaqiiqdii waxaa jirta kala qaybsanaan ku soo dhex jirtay hogaanka baralamaanka iyo xildhibaanada qaran mudadii 18 sano ahayd ee la soo dhaafay, mar kastana waxaa jiray is maan dhaaf ku salaysan dhanka sharciga iyo habsami u socodka hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya, taas oo ragaadisay howlo badan oo horyaalay Baarlamaanka iyo guud ahaan shaqada loo igmaday dowladihii soo maray dalka.”

Prof Saalim ayaa sheegay in xiligaan la joogo dalka ay horyaalaan caqabado badan oo dhanka amniga iyo siyaasada, isla markaasna la rabo in la dhamaystiro dastuurka loona gudbo in dalka la gaarisiiyo afti u qaadid Dastuur.

“Waxyaala muhiimka ah ee laga gabiyey waxaa ka mid ah samaynta Maxkamadii Dastuuriga ahayd, taas oo hormuud u noqon karta dhex dhexaadinta muranada soo kala dhex gala hay’adaha dowladda.  Waxaana ii qorshaysan inaan ka dhigto ajandayaashayda ugu horeeya dhisida Adeega Garsooka, waxaa kale oo dadajin doonaa shuruucda is dul saaran ee horyaala Baarlamaanka si Xukuumada howlaha horyaalo loo dar dar galiyo” ayuu yiri Salim Ibrow

Prof Salim Caliyow Ibrow ayaa waxbarashadiisa hoose dhexe ku soo qaatay dalka sanadii lixdameeyadii, wuxuuna waxbarashiida jaamaceed u aaday 1968 dalka Talyaaniga isagoona soo bartay Culuunta Xanaanada iyo Caafimaadka Xoolaaha, wuxuu ka shaqo bilaabay markuu dalka ku soo noqday Dowladda Hoose ee Xamar, waxaa 1976 uu noqday Bare kaaliye Jaamacdii Ummadda, isagoo 1978 u dalacay Bare Jaamacadeed. Sidoo kale Prof Salim ayaa ka mid noqday Gudiga Sulaxa ee la asaasay dhamaadkii 1990-kii kaas oo qorshuhu ahaa in Ra’iisul Wasaare laga dhigo Cumar Carte Qaalib, Prof. Salim ayaa qayb weyn ka soo qaatay shirarkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay Jabouti 1991, waxaana u noqday Wasiir Ddowladi Cali Mahdi. Laga soo bilaabo sanadkii 2000 dowladii Carte lagau soo dhisay ilaa hada wuxuu ahaa Xildhibaan qaran, wuxuuna soo noqday Wasiir ku xigeen, Wasiirka Xanaanada xoolaha, Ra’iisul Wasaare ku xigeen, sii haye xilka Ra’iisul Wasaaraha xiligii uu is casilay Cali Maxamed Geedi, Wasiirka Maaliyadda, dowladihii aan KMG ahayn wuxuu soo noqday Wasiirka Xanaada Xoolaha iyo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo uu hada yahay.

Prof. Salim Caliyow ayaa ah aqoon yahan mudo badan ku soo jiray siyaasada lehna aqoon durugsan, wuxuuna ku hadlaa luuqadaha, English, Talyaani, Carabi. Waa nin aan jeclayn khilaafadka siyaasadeed mar walbna jecel inuu danta guud ka shaqeeyo, mudadii uu hayey xilalka kala duwanaan wuxuu ahaa nin ay u siman yihiin Umaada Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka akhriso taariikhda Musharaxa

 

MACLUUMAADKA SHAQSIYADEED

 Magaca Saalim Caliyow Ibrow

 

Cinwaan

 

 

 

Golaha Shacabka Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya

Tel +252615502533; +252695502533

 

Email: salim_ibraw@hotmail.com

adanow1944@gmail.com

 

Dhalashada Soomaali / Australia
Taariikhda dhalashada 18 ogoosto, 1944, Qoryooleey, Soomaaliya
Jinsi Lab
Xaaladda guurka Xaasle ilmo leh
Xirfad Siyaasi Sare

Dhaqar xoolaha nool iyo la-taliyaha Xoolaha

Maaraynta Deegaanka

Aqoonyahan horumarinta waxbarashada

Diblomaasi siyaasadeed iyo mid dhaqameed

 

 
AQOONTA WAXBARASHO IYO TABABARO

 


Magaca Jaamacadda:

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Magaca Jaamacadda:

 

 

 

 

 

 

1998 – 2000:

Cilmi-baaris iyo aqoon sare

Jaamacadda: La Trobe University of Melbourne, Australia

Kuliyadda:      Faculty of Science Technology & Engineering,
Waaxda:        Cilmiga Beeraha (Agricultural Department).

Shahaadada sare ee Cudurada Faafa, Daawada Xoolaha nool
(Post graduate studies in Infectious Diseases, Veterinary Medicine)

Shahaadada waxaa lagu bartay qeybaha soo socda:

q  Infectious and Parasitic diseases

q  Basic concepts of Applied Epidemiology

q  Research methodology

q  Lecturing activities

q  Planning and coordination of veterinary activities

q  Zoonotic diseases by infectious and parasitic agents

 

1993 – 1995                             1993 – 1995
Cilmi-baaris iyo aqoon sare

Kuliyadda:      Faculty of Animal Husbandry and Veterinary Medicine

Jaamacadda:  University of Turin, Italy.

 

 

  21st Maarsho – Maanta  Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha

 

MASUULIYADAHA SHAQO IYO KUWA SIYAASADEED 2014 – 2015 (Febraayo)

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa
Xubin Golihii Wasiirada ee RW C/Weli Sh. Axmed
Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud

Dowladda Federaalka Soomaaliya

 

27th Disember 2016 – Maanta

Xildhibaan Golada Shacabka Federaalka

 

Janaayo – Disember 2008

Ku-Xigeenka Ra’iisal Wasaaraha
Ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta
Kusimaha Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Xubin Golihii Wasiirada ee RW NUur Xasan
Dowladdii Maxadweyne C/laahi Yuusuf
Dowladda Federaalka Soomaaliya

 

Nofember 2007

Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha

Masuuliyad uu ii magacaabay Madaxweyne C/laahi Yuuusf

 

Febraayo – Oktoobar 2007

Ku-Xigeenka Ra’iisal Wasaaraha
Ahna Wasiirka Tacliinta Sare

Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cali Maxamed Geedi

Dowladdii Maxadweyne C/laahi Yuusuf
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Ogoosto 2006 – Janaayo 2007

Ku-Xigeenka Ra’iisal Wasaaraha Ahna

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa

Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cali Maxamed Geedi

Dowladdii Maxadweyne C/laahi Yuusuf
Dowladda Federaalka Soomaaliya

 

Disember 2004 – Luulyo 2006

Ku-Xigeenka Ra’iisal Wasaaraha Ahna

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cali Maxamed Geedi

Dowladdii Maxadweyne C/laahi Yuusuf
Dowladda Federaalka Soomaaliya

 

Ogoosto 2004

Xildhibaan
Golada Ku-meelgaarka Shacabka Federaalka ee Soomaaliya

 

Oktoobar 2002 – Ogoosto 2004

Ergay

Shirka Nabadda Soomaaliya

Eldoret – Mbagathi, Kenya

 

Febraayo 2002 – Oktoobar 2002

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

Xubin Golihii Wasiirada ee RW Xasan Abshir

Dowladdii Maxadweyne C/qaasim Salaad Xasan
Dowladda Ku-meelgaarka ee Soomaaliya

 

Oktoobar 2000 – Janaayo 2002

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cali Khaliif Galeyr

Dowladdii Maxadweyne C/qaasim Salaad Xasan
Dowladda Ku-meelgaarka ee Soomaaliya

 

June 2000

Ergay

Shirka Dib-u-heshiisiinta iyo Nabadda Soomaaliya

Arta, Djibout

 

Oct 1991 – March1993

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cumar Carte Khaalib

Dowladdii Maxadweyne Cali Mahdi
Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

Janaayo 1991

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Xubin Golihii Wasiirada ee RW Cumar Carte Khaalib

Dowladdii Maxadweyne Maxamed Siyaad Barre
Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya

 

Disember 1990

Ergay

Guddigii Qaran ee Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya

 

1975 – 1990

Ku-xigeenka Hormuudka iyo Macallin Jaamacadeed
Kuliyadda Xanaanada Xoolaha iyo Daawada Xoolaha nool
Jaamacadda Ummada SOomaaliyeed, Muqdisho, Soomaaliya


URURADA XIRFADLEYDA IYO SHAQAALAHA
 

1987 – Maanta

Xubin Ururka Caalamiga ee Barayaasha Cimliga Xanaanada Xoolaha
– World Association of Veterinary Educators Universite  De Montreal, Faculte’de Medicine Veterinaire C.P. 500 St-Hyacinth, Quebec- Canada

 

Xubin Machadka Caalamiga ee Cilmi-baarista Xanaanada Xoolaha

ILRI (International Livestock Research institute)

P. O. BOX 5689. Addis Ababa, Ethiopia.

P. O. Box 30709 Nairobi, Kenya

 

1999 – Maanta

Xubin wax ka aasaasay Ururka Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee Dhaqaatiirta Xanaanada Xoolaha. Somali Livestock Professionals Forum (SLPF)

 

XIRFADDA IYO
KARTIDA BULSHADA

 

 

Karti sare u leh la dhaqanka dadka iyo la shaqeyntooda

 

 
XIRFADDA IYO KARTIDA KA SHAQEYNTA HEY’ADAHA ·          Guddoomiye wacan iyo aqoonsan kara xirfadaha dadka

·          Awood u leh in uu arko fursadaha jira oo dhan

·          Karti u leh maamulka mashruucyada gaarka ah isla markaana alifi
kara mashruucyo

·          Isku-duwe fiican oo kooxda dhexdeeda ah iyo abaabule waxtar leh

·          Karti iyo geesinimo u leh in uu ka gudbo carqaladooyinka

·          Ku shaqeyn kara degaannada dhib badan iyo xaaladaha amaan
ahaan qatarta ah  le

·          Karti u leh in uu ku shaqeeyo xaalad aanan kormeer laheyn

 

 
XIRFADAHA FARSAMO IYO AQOONTA KOMBIYUUTARKA
  • Adeegsan kara aaladda kombiyuutarka iyo barnaamijyada ku jira sida  – Microsoft Window (MS Word, Excel, PowerPoint and Access, statistical packages)

 

 
XIRFADAHA IYO AQOONTA KALE       Xirfadaha maamulka iyo maareynta oo ay ka mid yihiin:

  • Qorista mashruucyada
  • Maamulka shaqaalaha
  • Horumarinta xiriirada dibedda ee ururada caalamiga ah iyo hey’adaha dowliga
  • Qorista warbixinnada
  • Maamulka guud ee xafiisyada
  • Diyaarinta qorshayaasha shaqo iyo miisaaniyadaha

 

 
 

 

LUQADAHA

Aqrinta

Qoraalka

Hadalka

 

 

Soomaali                English               Italian                    Arabic        

Aad u sareysa         Aad u sareysa     Aad u sareysa       Heer fiican             Aad u sareysa         Aad u sareysa     Aad u sareysa       Heer fiican

Aad u sareysa         Heer fiican          Aad u sareysa       Dhexdhexaadr