Imaaraadka oo Puntland ka joojisay qandaraas muhiim u ahaa ciidamada PMPF

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxda imaraadka Carabta ee maalgelisa ciidamada Badda Puntland ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan PMPF ayaa joojiyey bishii la soo dhaafay gebi ahaanba qandaraaskii sahay-siinta iyo quudinta hay’addii horay u haysan jirtay oo lagu magacaabo BDG.

Hay’adda BDG ayaa ahayd in muddo ah kooxdii haysan jirtay  qandaraaska quudinta iyo sahay-siinta ciidamada Badda Puntland. Doorashadii Deni ee Puntland ka dib, waxaa soo kala dhexgalay kooxda BDG dhexdeeda khilaaf xoogan; waxaana jira in qandaraasleyda mudada dheer isla shaqeysan jiray ee ganacsatada Somalida u badan ay haatan u kala jabeen laba garab.

Madaxda imaaraadka carabta ee iyagu maalgeliya ciidanka badda Puntlnd ayaa diiday in wax wada shaqayn ah la yeeshaan Hay’adda BDG oo ay leeyihiin rag ganacsato reer Bari iyo reer nugaleed u badan. Dadka aadka ugu dhow dhow BDG iyo kooxaha labada garab u kala jabay ee ganacsatada reer Bari iyo reer Nugaaleedka u kala safan ayaa tilmaamaya in madaxweyne Siciid Cabdulaahi Dani, Maxamuud shido, Daahir Macalin Ayaanle iyo wiil ay madaxweynaha walalo yihiin oo lagu magacaabo Xassan Cabdulaahi Deni ay doonayaan tabo iyo xeelado kale oo ay dhaqaalha ku bixi jiray BDG jeebka ugu shubtaan, meeshana ay ka saaran Sadex nin oo awoodda ugu badan ku lahaa qandaraaska.

Kooxdan Madaxweyne Deni duqa u yahay waxay  doonayaan in la baabi’iyo gebi ahaanba hay’adda BDG oo marka la burburiyo dib loo abuuro koox gaar ah oo la shaqeyn doonta  madaxda Imaaraadka Carabta, isga oo marka la baabi’iyo damacsan yahay in madaxweynuhu u diro qoraal cusub oo loogu cimaamadayo kooxdiisaan cusub , waxaana kooxdaas ka mid ah Maxamuud Shiddo, Daahir Macalin Ayaanle iyo Xassan Deni oo ay walalo  yihiin Madaxweynaha, waxayna qabanayaan kooxdaas madaxweynaha magacaabi doono, shaqqdii ay qaban jirtay BDG iyaga oo buuxinaya booskii iyo howlihii ay qaban jireen hay’adda BDG ee hadda laga joojiyey qandaraasyadii ay ka qaadan jireen imaraadka carabta.

Kooxaha la dhigay banaanka ayaa waxay kala yihiin Senator Maxamuud Mashruuc, Cismaan Shire Quud iyo Bashiir Abdulaahi Saalax-Deer oo dhaamantood ka soo jeeda beelaha awooda ku leh gobolka bari.

Maxanuud shido, Daahir macalin ayaanle iyo Madaxweyne deni ayaa aaminsan in dhaqaalaha ku bixi jiray hay’adda BDG iyagu gacantooda la soo gasho dibaddana loo saaro maalqabeennada reer bariga ah ee kor ku xusan.

Saaxiibbada ku dhow dhow Maxamuud shido- oo ah hogaamiyaha kooxda Aaranjaan- ayaa sheegaya in muddo dheer uu u ciil cunayay kooxadan oo la sheegay inay si gunimo ah ula dhaqmi jireen xilliyadii Madaxweyne Gaas taladda hayey, markaas oo uu Shiddo gacan ku gabbad ahaa. Maxamuud shido ayaa la tilmaamayaa in  hadda la joogo waqtigii uu jaansika la sugayey kooxda  reer bari ee dhaqaale badan oo mashruucaas ka soo xarooday ka gacan-bidixeysay mudadii  uu ka mid ahaa BDG.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com