IMF oo shaacisay arrin ay dowladdi Xasan Shiikh uga fiicneyd mida Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online ) – Hay’adda lacagta adduunka ee IMF oo warbixin cusub soo saartay ayaa sheegtay in kobaca dhaqaalaha Soomaaliya uu hoos u dhacay labada sano oo ay jirto dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

IMF ayaa shaacisay in dhaqaalaha iyo wax soo saarka dalka aanu isbedaleyn sanadkan, islamarkaana uu ahaan doono 2.9  boqolkiiba.

Sidoo kale hay’adda ayaa xustay in uu aad u hooseeyo daqliga soo gala qofka, iyada oo ku talisay in la raadiyo ilo dhaqaale oo lagu xoojiyo

“Inkasta oo uu koror jiro, maaliyadda ay soo fiicnaaneyso, laakin daqliga qofka soo galo waa mid hooseeya, waana in la helo ilo lagu xoojinayo dhaqaalaha, laguna dhimayo faqriga” ayaa lagu yiri qoraalka IMF.

Sida lagu sheegay warbixintan labadii sano ee ay jirtay xukuumadda Kheyre waxa ay qiyaastu aheyd (2.3)  2017 iyo (3.1) 2018.

Waxaa xusid mudan in marka uu madaxweyne Farmaajo la wareegayay talada dalka uu GDP Soomaaliya uu ahaa 4.4 boqolkiiba.

IMF ayaa ugu dambyen warbixinteeda ku sheegtay in dhaq dhaqaaqa ugu fiican uu hadda ka jiro kaliya isgaarsiinta, ganacsiga iyo dhismaha.

Warbixintani ayaa ku soo aadeysa, xilli xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Maaliyaddu muddooyinkii dambe ay shaacineysay in isbedal weyn laga dareemayo dhaqaalaha Soomaaliya, islamarkaana uu meel wanaagsan marayo qorshaha deynta lagu leeyahay looga cafinayo dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com