Imisa sano ayuu qaatay qorshaha duulaanka Al-Shabaab ee Itoobiya?

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Galbeed Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa shaaciyay in weerarkii dhawaan ay kooxda Al-Shabaab kusoo qaadeen deegaanada xuduuda maamulkiisa uu ahaa qorshe qaatay ugu yaraan sanad.

Waxa uu sheegay in ciidamada gaarka ah ee dowlad deegaanka ay si naf-hur ah u fashiliyeen qorshihii Al-Shabaab ee ay ku rabeen inay isku ballaariyaan deegaanada xuduuda ee dowlad deegaanka Soomaalida.

“Ciidamada halyeeyada ah ee gaarka ah oo runtii cidii meesha joogtay ay garan karto geesinimada iyo naf-hurida nimankaas heerka ay ka taagan tahay. Ciidamadeena waxay jabiyeen qorshe la diyaarinayay ugu yaraan sanad oo ay ku burburiyeen wax ka yar saddex cisho.” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu soo dhamaaday wejigii koowaad ee dagaalka, islamarkaana ay jab xoogan gaarsiiyeen dagaal-yahaanadii Al-Shabaab ee usoo gudbay xuduuda, una dhigeen cashir lama ilaawaan ah.

“Shacab ahaan waa in aan muujino feejignaan dheeraad ah. Fikirka Al-Shabaab iyo ficilkooda toona ma aha in aan fursad yarna siino,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Mustafe Cagjar.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay madaxweynuhu inaysan hadda kadib argagixisada ku sugi doonin xuduudooda oo ay ka hortagi doonaan, ayna sameynayaan xad amni ah oo ka baxsan xuduuda dowlad deegaankooda.