In Jubbaland ay yeelato 3 madaxweyne waxaa masuul ka ah Axmed Madoobe

Hordhac/Gogol-Dhig

Allaah ayey mahad oo idili u sugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Alla yeelo.

Intaa kabacdi akhristoow; mar hadiiba muhiim eeysan u aheyn Axmed Madoobe in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah, taasoo loo wada dhanyahay, dowlada federaalka, iyo beesha caalamkana goob-joog kawada yihiin, si cadaalad iyo hufnaan wax walba ugu dhacaan, ugu dambeyna natiijo ummada wada ogoshahay uga soo baxdo, hade waa su;aale, mala hurayaa foowdo, iyo in Jubbaland yeelato sadex madaxweyne iyo kabadanoo wado khaldan isku wada doortay?

Mar hadiiba xaalku noqday in odayaashii dhaqanka, ee soojireenka ahaa, ee ab-ka-ab ahaa, ee ummadu wada taqaannay, uu Axmed Madoobe kawada dhigay, mid Kismaayo uu kasoo masaafuriyey, ama naftooda lasoo baxsadayoo isaga soo cararay, kadibna wiilal yaryaroo cimaamado uu u xiray, ugaasyo cusub ka dhigtay, iyo mid maalin cad lagu khaarijiyey magaalada Kismaayo dhexdeeda, cidii khaarajiseyba sida: Ugaaskii beesha Gaaljecel, iyo Ugaaskii beesha Jareer weyne. Hade waa yaab iyo amakaage, soow fidno iyo foowdo aan dhamaan dalka iyo dadkaba Axmed Madoobe uma horseedin? Doorasho ku-sheeg nuucaa ku dhacdeyse, soow ma aha, marnaba ineeysan aqbalin dowlada federaalka ah, beesha caalamka, iyo ummada Soomaaliyeedba meelkasteey joogaanba?

Mar hadiiba odayaal-kusheegyo maqaar-saar ah, Axmed Madoobe urursaday, maadaama kuwii saxda ahaa, intoodii ugu badneyd lawada masaafuriyey,ama naftooda Kismaayo kalasoo baxsadeen, kadibna sida laga wada dharagsan yahay, kuwan maqaar-saarka ah, Axmed Madoobe ku yiri: Sadex qof iikeena, anigaana midka aan u arko, inuu aniga oo kaliya idooranayo kala baxayee, soow mooryaannimo cad iyo hogaamiye-Kooxeednimo aan geed loogusoo gamban maaha? Doorasho ku-sheeg nuucaa ku dhacdeyse, soow ma aha, marnaba ineeysan aqbalin dowlada federaalka ah, beesha caalamka, iyo ummada Soomaaliyeedba meelkasteey joogaanba?

Mar hadii koox Xil-Dhibaano ku-Sheegyo ah Axmed Madoobe iska sameeystay, kuwaasoo dhamaantood wada ah, askartiisii, Xaasaskii qaar askartiisii ka mid ahaa ka dhinteen, wariyeyaasha Tv-ga Jubbaland, iyo shaqaalaha madaxtooyadiisa iyo gurigiisa martida, si isaga oo kaliya eey udoortaan, soow sax ma aha marna inaan la aqbalin natiijada kasoo baxday, foowdadaa cad?

Mar haduu Axmed Madoobe sameeystey kuwo lagu sheegay “Malxiisayaal” iska dhiga ineey isaga la tartamayaan, qaarka ugu badanna dib iska casilaeen, inyaroo lajisha filimkaana lagasoo reebay, si isaga uu isku boqro. Sidaana uu Khamiistii “Madaxweyne” isugu boqray, iyadoo foolxumadaa uu sameeyey, aaneey cidiba ka qarsooneeynoo lawada ogyahay.Soow in lawada diido ma aha, si foowdadaa aan kuwa kaloo mustaqbalka ah ugu dhiiran?
Mar hadii xaalku sidaa yahay, kuwa kaloo dhan, ee hore u damacsanaa ineey si hufan ula tartamaan, magaranayo waxa u diidaya, ineey iyagana sidaa wada sameeyaan. Illeen foowdo, waxeey dhashaa foowdo kalee. Mas’uuliyadaana soow qaadi mayaan Axmed Madoobaha wadadaa khaldan inuu xukun ku qabsato go’aansaday, iyo waliba intii foowdadaa qayaxan ku dhiiragaliyey, walibana ku taageeray?

Talo soojeedin

1-Dowlada Federaalka iyo saaxiibadeena beesha caalamka, waa ineeysan marnaba ka daalin saarida Axmed Madoobe cadaadis joogta ah, si uu wadada saxda ah, dib ugu soo noqdo, ugana soo laabto wadada foowdada iyo is boqrida, taasoo uu u bilaabay siyaasiyiin badan, dhaliseyna ineey is wada boqraan, tiro kaloo wada sheegatay, ineey wada yihiin “Madaxweeynayaasha” maamulka Jubbaland.

2-Dowlada federaalka iyo saaxiibadeena beesha caalamka, waa ineeysan marnaba aqoonsan foowadaa Axmed Madoobe kaligii isku boqray, waana inaan marnaba la aqbalin tanaasul kastoo sharciyad siinaya is boqrida Axmed Madoone, si loowaayo cidkaloo ku dhiirata, ineey sidiisoo kale is boqorto.

3-Madaama Axmed madoobe markii horaba qorsheeynayey, inuu sida uu sameeyeyba ku shubto, kabacdina, xabad iyo xoog cidkastoo la tartameeysey kuwada maquuniyo, waxaa macquul ah, inuu dagaal ku qaado siyaasiyiinta kalee sidiisoo kale is boqray, isagoo hadafkiisu yahay, inuu Kismaayo xoog uga saaro, ama kasoo masaafuriyo, sidaa daraadeed, dowlada federaalka oo kaa shaneeysa beesha caalamka, waa ineey magaciisa u gudbisaa booliska caalamka, ee looyaqaan Interpol, waa hadii dagaal uu karido Kismaayo, dadna ku dhintaane.

4-Dowalda Federaalka iyadoo kaashaneeysa beesha caalamka, waa ineey ka dhiidhisaa, dacwadna ukala gudbisaa: UN, AU, EU, OIC, Al, ….iwm, faragalinta qaawane Kenya dalkeena ku heeyso, kana shaqeeysaa sidii baarlamaanka dalka u meel marin lahaa, mooshin ciidamada Kenya looga saarayo dalka, iyo waliba kasii mid ahaan shahooda ciidamada Amison ee dalka jooga.

Gunaanad

Malaha marka intaa oo dhan lawada sameeyey, waxa kaliya ee lagu kala duwanaandoono, ama ugu dambeyn lagu kala bixidoono, waa yaa mooryaan, iyo hub badanoo, uwada awood sheegan kara inta kale, hadii dagaal dhacana xabad iyo qori caaradii, yaa waxkasta ku wada maquunin kara, illeen caqli kale majiree. Hadiise dadka qaar isku qancinayaan, in Jubbaland lagu kala adkaaday, ogaada xaalku waa faanoole farikama qodna’e, waxaana kasoo socda, wax aan wanaagsaneyne.

Waxaan Allaah karajeeynayaa, inaan dhiig Soomaaliyeed meeshaas ku daadan. Waxaan Allaah karajeeynayaa in Axmed Madoobe iyo inta foowdadaa kudhiiragalineeysa, Allaah garadsiiyo, ineey dib ugu noqdaan nidaamka, iyo sharciga, dibna u garwaaqsadaan, in loo baahan yahay,doorasho xor iyo xalaal ah, ummaduna u wada dhan tahay, dowlada Federaalka iyo beesha caalamkana goobjoog kawada ahaadaan, si markaa natiijada ummada ugu wada qanacdo. Wa Billaahi Toowfiiq.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor)
Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed
abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid