Indha-qarshe oo fariin cajiib ah u kala diray Farmaajo iyo xildhibaanada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidanka xoogga Soomaaliya Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe oo Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay ayaa dardaaran culus u jeediyey xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale hal fariin ayuu u diray Farmaajo.

Indhaqarshe oo sanadkaan laga reebay liiska baarlamaanka 11-aad ee dalka, kadib markii madaxweynaha Galmudug uu u diiday inuu u tartamo kursiga xildhibaan ee beeshiisa, ayaa ka codsaday xildhibaanada cusub in Farmaajo iyo kooxdiisa Nabad iyo Nolol aysan dib u soo dooran.

Waxuu sheegay intii Farmaajo uu joogay xukunka, in wixii fiicanaa ee u qabsoomay ay ka badaneyd inta uu ka haleeyey dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

“Xildhibaanada cusub waxaan lee yahay fadlan hanagu soo celinina Nabad iyo Nolol, shan sano ayey na xukumayeen, wixii xumaa ee dalkaan ay ka sameeyeen, waxay ku qormeysaa Pagekooda, Inta xun oo ay sameeyeen waxay ka badan tahay inta fiican oo ay qabteen,” ayuu yiri Jeneraal Indhaqarshe.

Sarkaalkaan ayaa tusaale ka sii bixiyey dhaliisha uu u hayo nidaamka Madaxweyne Farmaajo oo sanado ka hor uu ka tirsanaa.

“Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaan leeyahay, hadaa maqasho madaxweyne hebel halyey wax-qabad fiican ayuu ahaa, waxaad ogaataa in madaxweynahaas uusan dadka ka caqli badneyn ee waxuu xushay dadka ugu caqliga iyo aqoonta badan bulshada, kadibna go’aanada ayey madaxdu kala tashadaan dadkaas, talada ay keenaan dadkaas wanaagsan, waa guuleysanee, isaga ayaana lagu amaanaa,” ayuu yiri Jeneraal Indhaqarshe.

Jeneraalku waxuu intaas ku sii daray in dhibaatada maanta Farmaajo heysata, oo isaguba uu marqaati ka yahay ay ka dambeeyaan dadka xun ee bulshada uu ka xushay.

“Shacabka dhan ayey kugu direen, adigaa masuul ah, waxaa mar hore lagaa rabay inaad iska qabato inta aysan dadka kugu dirin, gobolladii aan tegay waa lagaa nacay Farmaajo, aniga waan ku aqaan, waana kula shaqeeyey, sida lagaa aaminayna kaama aaminsani, laakiin dhibaataa kugu dhacday, dad xun ayaa kugu dhareereysan, hadii nasiibku ku saamaxo oo aad soo noqoto, kuwaas iska qabo,” ayuu yiri Indhaqarshe.

Sidoo kale Xildhibaanada soo baxay sanadkaan ayuu Jeneraal Indhaqarshe kula dardaarmay in aysan fiirin shilimaadka lasii doono, balan qaadyada loo sameeyey iyo dadka kuraasta soo siiyey midna, balse dadka iyo dalka masiirkooda ay bad-baadiyaan oo madax samata bixi karta ay u doortaan hoggaanka.