INGIRIIS oo faallo ka qoray ‘khaladaad SHARCI ah’ oo ku jira magac beddelka NISA

Runtii, waa wax la-yaab leh in magaca NISA loo beddelo FISA, iyada oo aan wax qaanuun ah la soo marsiin jiritaankeeda. Markii horeba, ma aysan jirin wax xeer ah, oo ku dhisan sharci iyo shuruuc baarlamaan la mariyey, oo lagu sameeyey NSS (NISA).

Waxay weligeed NSS (NISA) ku dhisnayd dikreetadii uu Jaalle Siyaad soo saaray 15 February 1970-kii, ee uu ku sheegay inay tahay xeer. Bacdamaa Jaalle Siyaad uu isagu isku ahaa sharci-soo-saare iyo sharci-fuliye, sideeda ayay dhaqan-gal ku noqotay dikreetada aasaaska hay’adda, mar haddeysan xilligaas dalka ka jirin cid ku af-celin kartay ‘Macallinka Kacaanka’.

Shaqada ay NSS qabaneyso, oo si caddaan ah loogu faahfaahiyey xeer-ku-sheegga, waxay sharci-darro ku ahayd xeerarkii dimoqriyadeed, ee golayaasha metelaadda qaran ee dadweynuhu (national assemblies) ay ansixiyeen intii u dhexeysay 1952-1967, sida xeerarka xuquuqda aasaasiga ah (basic human rights), xorriyadda qofeed (individual liberty) iyo xaqa uu qofka Soomaaliyeed uu u leeyahay inuu xornimo iyo sharaf ugu noolaado dalkiisa gudihiisa.

Tusaale, Qodobka Lixaad ee xeer-ku-sheegga NSS (NISA), wuxuu leeyahay: ‘Xubnaha NSS [NISA] waxay lahaanayaan awood ay qof kasta kaga soo qabanayaan meel kasta iyaga oo aan wadan wax warqad maxkamadeed oo soo-qabasho ah’ (Tixraac: Bollettino Ufficiale della Repubblica Democratica Somala, ‘Law No. 14 of the 15 February 1970, Establishment of the National Security Service’, Anno I., Mogadiscio, 23 Marzo 1970, Suppl. n. 5 al., n. 3, pp. 203–205).

Bilcaksi, Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, oo lagu ansixiyey xeer baarlamaan 16 December 1962-kii, lana dhaqan-geliyey 3 April 1964-kii, wuxuu qabaa in aan qofna la iska soo xiran karin (sidii xoolaha oo kale), iyada oo aan warqad laga haysan maxkamad sharci ah (Tixraac: The Somali Penal Code, Legislative Decree No. 5 of 16 December 1962). Haddaba, waa su’aalo sharciyeede, yaa haddeer wax ka beddelaya xeer-ku-sheeggii Lambar 14? Ma sidii Jaalle Siyaad oo kale ayuu Xasan Sheekh wuxuu dikreeto cusub – konton sano kaddib- ku soo saari doonaa xeer-ku-sheeg ku saabsan magac-ka-beddelka NISA, oo la leeyahay waxaa loo bixiyey FISA, taas oo aan dhinac kasta waxba ka duwanayn NSS (NISA)-dii hore? Mise, waa sida ay tahaye, waa in NSS (NISA) dib loogu celiyo sidii ay ahayd 1969 ka hor, oo ah laan gaar ah oo ka tirsan Booliiska (Special Branch of the Somali Police?)

Si kastaba, waxaan maalmahaan oo dhan wareysanaayey dad ka mid ahaa dhibbanayaashii NSS (NISA) ee sannadihii 2017-2022. Waxaan soo ururiyey dhowr kiis oo ku saabsan falal naxariis darro iyo cawaannimo ah (numerous harrowing accounts of barbarism and brutality). Waxaa naxdin ugu filan dhibanayaashaas sugaya dacwadahooda in la qaado in magacii NSS (NISA) loogu sii beddelo FISA, oo ah sheeka-baraleey aan ku cusbeyn maqalka dhagahooda.

Magaca NSS waxaa horey loogu beddelay magaca NISA xilligii hore ee Xasan Sheekh. Mar kale in haatan magaca NISA loogu sii beddelo FISA, waa calaamad cad oo muujinaysa inay sheekadu ahaan doonto ‘jugjug meeshaada joog’.

W/Q: Maxamed Xaaji Ingiriis