Boolis xirtay waddo ka tirsan magaalada Muqdisho oo dil iyo dhaawac la isugu daray

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka ku dhaqan degmada Kaaraan iyo kuwa masaafurka ah ee isticmaala wadada laamiga Kaaraan ee hormarta saldhiga degmadaasi ayaa dhibaato ku qaba isticmaalka wadadaasi oo ciidamada booliska 5-ta galabnimo ay gooyaan, gaadiidkana ka mamnuuc inay isticmaalaan wixii saacadaas ka danbeeyo ilaa subaxdii.

Iyadoo dhibaatadaasi ay jirtay ayaa ciidamo milateri oo ku socday gaari Toyoto ah oo damcay inay maraan wadada hormarta saldhiga degmada Kaaraan waxaa ka hor istaagay askartii booliska ee saldhiga ku sugnaa, kuna amray in ay isticmaalaan qarda jeexa xaafadaha.

Milaterigii oo ka carooday amarka askarta booliska ayaa ku adkeystay inay marayaan laamiga maadaama xili galab ah ay aheyd, hase ahaatee ismaan dhaaf kadib waxaa dhex maray gacan ka hadal, waxaana ciidamadii milateriga ay billaabeen inay awood adeegsadaan.

Israsaaseyn dhex martay askartii booliska iyo milaterigii gaariga ku socday ayaa waxaa goobta ku dhintay laba askari oo booliska saldhiga degmada Kaaraan ka tirsanaa, waxaana dhaawacmay askari kale iyo qof shacab ah.

Falkaasi anshax xumada ku dhacay ayaa waxaa eeda iyo mas’uuliyada loo saariyay taliska booliska degmada Kaaraan oo shacabka iyo gaadiidka ka xera wadada 5 galabnimo, iyadoo ay adag tahay in la isticmaalo wadooyinka qarda jeexa ah ee xaafadaha oo ah kuwo raf ah oo la mari karin.

Degmada Kaaraan ayaa ah tan ugu amniga xun Muqdisho, waxaana caadi ka ah falalka dhaca ah oo ay gaysanayaan ciidanka iyo kooxo kale oo hubeysan, ayada inta badan shacabku aanay guryaha ka biixn maqribka kadib cabsi darteed.