Xog: Xubno ka tirsan NISA oo xabsiga la dhigay iyo sifeyn xooggan oo bilaabatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu xilka la wareegay taliyaha cusub ee NISA Mahad Maxamed Salaad, waxaa taliska nabad sugida ka billowday isbadalo lagu sameynaayo shaqaalaha iyo xilalka, sida ay ogaatay Caasimada Online

Tallaabadii ugu horreysay ayaa noqotay in xilalkii laga qaaday taliyeyaashii garoonka diyaaraddaha Muqdisho, gobolka Banaadir iyo maaliyadda.

Dhamaan boosaskaasi ayaa waxaa loo magacaabay xubno cusub.Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir waxaa loo magacaabay Muxuddiin Warbac Shadoor, Taliyaha garoonka Aadan Cadde Xamdi Xasan Maxamuud iyo hoggaanka maaliyadda NISA oo loo magacaabay Iimaan Elman.

Dhinaca kale, hoggaanka cusub ee NISA ayaa billaabay inuu bartilmaameedsado xubno loo arko inay aad ugu dhowaayeen taliskii hore iyo kooxdii Nabad iyo Nolol, waxaana xabsiga la dhigay ilaa saddax sarkaal oo laamaha kala duwan ee NISA ka howlgala.

Saraakiisha la bartilmaameedsaday ee shaqada laga eryay islamarkaana xabsiga la dhigay waxaa ka mid ah Jeylaane Maxamed oo NISA u joogay qeybta Scan-ka garoonka diyaaraddaha Muqdisho.

Lama oga sababta rasmiga ah ee sarkaalkaasi loo xiray inay xiriir la leedahay eryida taliyihii garoonka oo laga tirsanayay eed la xiriirto fulinta amaradii lagu dhibaateyn jiray madaxdii mucaaradka xiliyada garoonka kasoo degayeen ama ka dhoofayeen.

Ugu danbeyntii, waxaa la filayaa in taliska cusub ee NISA uu sii wadi doono shaqo ka eryida iyo magacaabida xilal cusub, waxayna shaqaalaha badankood ay farta wadnaha ku hayaan inay seefta qaadi doonto iyo in kale.