Intee le’eg tahay lacagta lasoo rogay ‘ee lagu afgaranayo’ guddiyada doorashooyinka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay bilaabatay doorashada Golaha Shacabka ayaa waxaa isa-soo tarayay Musharaxiinta laga hor istaagayo inay isku soo taagan kuraasta ay xaqa u leeyihiin inay ku tartamaan.

Sidoo kale waxaa soo baxayay in kuraasta qaarkood si gaar ah loogu xiray shaqsiyaad gaar ah, ayada oo meesha laga saaray saxiixayaashii rasmiga ahaa ee kuraastaas.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in Musharaxiinta laga hor istaagayo doorashada ay ka dhalan karto cawaaqib adag oo saameyn ku yeelata deganaanta dalka.

“Ruuxa tartama ee laga guulaysto, xanuun guuldarro oo keli ah ayuu xambaartaa, laakiin haddii tartanka loo diido, ama la xoogo, waa ciishoodaa, ciilkuna wuxuu keenaa aargudasho, waana tan sababaysa colaadda iyo in wixii yaraa ee inoo dhoobdhoobnaa ay dumaan, lana waayo cid u ooyda, kolkaana kii wax boobay, kii la boobay iyo kii ku fiirsadayba ay cidla isku warsadaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Guddiga doroashada ay qeyb ka tahay wax is-daba-marinta ka taagan doorashada, kuwaasi oo aduun lacageed ku badalanaya boobka kuraasta, sida uu sheegay.

Waxa uu intaas kusii daray in musharaxa u taagan tartanka kursiga waajib looga dhigay inuu bixiyo lacag dhan Kun dollar, si uu u helo shahaadada dembi la’aanta.

“Waxaa la yiri ergada wax dooranaysa waa in qofkiiba uu $30 bixiyo si loo siiyo shahaado danbi la’aan ah, haddana waa in uu $50 bixiyo si uu shahaadada COVID19 u helo. Murashaxa kursiga u xiran yahay ee loo boobayana waa in uu bixiyaa $1000 si uu shahaado danbi la’aan ah u helo, waana in uu qarashka ka bixiyaa ergada, welina lacag kale oo dheeraad ah siiyaa, si ay ugu codeeyaan. Si boobka loo xalaaleeyo waa in uu guddiga doorashada afgartaa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in sida ay wax u socdaan lagu tilmaami karin doorasho ee yihiin “boob, xaraash, laaluush iyo awood sheegaso bareer ah”.

“Madaxweynaha Dowlad Goboleedka waa in uu isagu kuraasta boobo haddii uu musharrax yahay, ama uu murashax kale u boobaa. Taasi doorasho maaha ee waa boob, xaraash, laaluush iyo awood sheegasho. Horaa loo yiri “ Wan ilaa la gowraco indhihiisa cirka ma arkaan”

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii