IRAN iyo Mareykanka oo qarka u saaran dagaal iyo IRAN oo dabin loo dhigay

Tehran (Caasimada Online) – Iran iyo Mareykanka ayaa qarka u saaran dagaal, waxaana socda daan-daansi xooggan oo Mareykanka ku samaynayo Iran, xilli laga cabsi qabo inuu weeraro.

Mareykanka ayaa maraakiibka xambaara diyaaradaha dagaalka u diray badda gacanka, isaga oo ku dooday inuu ka hor-tagayo halis kaga imanaysa Iran.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa maraakiibta gacansiga Mareykanka ee maraya badda gacanka uga digay in Iran ay weerar kusoo qaadi karto.

Wargeyska Washington Post ayaa qoray in la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka John Bolton, oo ah xagjir neceb islaamka, uu Iran u dhigayo dabin daan-daansi, islamarkaana la doonayo inay xabadda billowdo si weerar loogu qaado.

Dhinaca kale, Iran ayaa sheegta in hal gantaal oo kaliya uu ka adag yahay Markab dagaal oo Mareykanka uu geeyey badda gacanka, oo haddii ay ku dhuftaan dhulka ay la sami karaan.

Markabkan oo lagu magacaabo Abraham Lincoln looguna talo-galay in lagu cabsiiyo Iran, ayaa waxa uu madaxweyne Trump u diray bariga dhexe, wuxuuna dhowaan ka gudbay marinka Suez, si loogu digo Iran.

Lama yaqaan, sababta Mareykanka ay u abuurayaan halis aan jirin, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay gadaal ka riixayaan Israel iyo Saudi Arabia, halka John Bolton oo ah nin muddo u ololeynayey in la weeraro Iran uu hadda yahay la-taliyaha amniga qaranka.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana la saadaalin karin sida wax noqon karaan, ayada oo Donald Trump uu yahay madaxweyne fud-fudud oo wax kasta ay ka suurta galaan.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com