Xog: Beesha caalamka oo la kala safatay dowladda iyo maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalalka saaxiibada caalamka loogu yareeyo ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa laba garab u kala jabay, lana kala saftay dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Arrintan ayaa waxaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam kadib markii uu ka tagay shirkii fashilmay ee Garoowe, kuna laabtay magaalada Kismaayo.

“Waa wax aad laga xumaado in beesha caalamka ay kala qayb-qaybsanto, isla markaana ay qayb ka noqoto dhibaatada haatan ka taagan dalka Soomaaliya” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dalalka Yurub ay la safan yihiin maamul goboleedyada halka dowladda Mareykanka ay la safan tahay dowladda federaalka.

Kulan galabkii axadda ka dhacay qaybta VIP-da ee garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu kasoo laabtay Madaxweynaha Soomaaliya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa la sheegay in safiirada Yurub ku eedeeyeen madaxweynaha fashilka shirka Garoowe, halka Mareykanka uu inta badan ka gaabsanayey eedeynta dowladda, ama taageero uu u muujinayey.

Dalalka ayaa sidoo kale horey ugu kala qeybsamay arrimaha Soomaaliya, kadib markii dowladda ay cayrisay ergeygii QM, markaasi oo dalalka Yurub ay aad uga carroodeen halka Mareykanka taageero uu u muujiyey dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haysta dhalashada Mareykanka, waxaana uu taageero weyn ka haystaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com