Siyaasiyiin Hawiye ah oo loo adeegsanayo joojinta shir xasaasi oo ka dhan ah DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin u dhashay beelaha Hawiye oo isugu jira wasiiro, xildhibaanno iyo xubno horey xilal usoo qabtay ayaa billaabay dhaq dhaqaaq ay ku baajinayaan shir todobaadkaan lagu wado in uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Xubnaha isku dayaya inay shirkan baajiyaan ayaa waxaa ka mid ah ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Wasiirka amniga Soomaaliya Maxames Abuukar Islow, Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame, Xildhibaan Mustaf Dhuxulow iyo Siyaasiga Salaad Cali Jeelle.

Shirkaan oo ay yeelanayaan Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa looga hadli rabaa Cunaqabataynta saaran magaalada Muqdisho, dilalka ay fuliyaan Ciimada Booliska Soomaaliya iyo maqaamka Gobalka Banaadir,  waxa uuna daba joogaa Shir kale oo todobaadkii hore ka dhacay Gobalka Banaadir.

Cali Maxamed Geedi iyo mas’uuliyiinta kale ayaa wada dadaalo ay kula kulmayaan Wabar Guud iyo Odayaal kale, si ay uga codsadaan baajinta Shirkaaan oo lagu mucaaradayo Dowladda Soomaaliya.

Wali kulanka mas’uuliyiintaam iyo odayaasha ma qabsoomin, balse waxaa la sheegay in ay wada-hadleen islamarkaana uu jiro ballan ay qabsadeen oo kulan kale ah.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay in Siyaasiintaan ay dirsatay si loo joojiyo Shirka oo hoos u dhigi kara sumcadda Dowladda, haddii ay kulmaan odayaasha Beelaha Hawiye ee cabashada ah.

Sidoo kale Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa la sheegay in uu kamid yahay odayaasha ku howlan joojinta Shirkaan.

Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Hawiye oo ay hormuud u yihiin Abgaal iyo Habar-gidir ayaa la filayaa in ay ka hadlaan islamarkaana go’aano ka gaaraan dhibaatooyinka ka jira magaalada Muqdisho oo saameen ballaaran ku yeeshay dadka dagan Gobalka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com