CC Shakuur oo su’aal cajiib ah weydiiyey madaxda DF kaddib shirkii Garoowe

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka hadlay shirkii kusoo dhamaaday magaalada Garowe ee u dhaxeeyay madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.

Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa ugu horeyn nasiib daro ku tilmaamay in madaxda dowladda Soomaaliya ay la heshiin waayeen madaxda dowlad goboleedyada, kadib markii muddo todobaad ah shir uu kaga socday magaalada Garowe.

Wuxuu yiri Haddii ay madaxdii dawlada federaalka la heshiin waayeen Dawlad goboleedyadii, xagey doonayan in ka taliyaan?, taasi oo ah su’aal ku wajahan madaxda dowladda.

“Waa ayaan dari wayn in shirkii Garawe lagu soo kala dareeray. Haddii ay madaxdii dawlada federaalka la heshiin waayeen Dawlad goboleedyadii, xagey doonayan in ka taliyaan? Muqdisho oo keli ahbaa? Muqdisho ilaa imisa ayey sii xamili kartaa”

“Wadooyin xiran, shacab cabursan oo cod matala lahayn, canshuur xad dhaaf oo aan xisaab xir lahayn, in laga guro oo aan dib wax loo gelin, in laga abaabulo duminta dawlad Goboleedyada. Waxay ila tahay in la joogo xiligii ay Muqdisho xisaabtami lahayd” ayuu yiri Warsame.

Shirkii ka dhacay magaalada Garowe ayaa sababay in madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay ku kala dhaqaaqaan iyadoo aysan wax heshiis ah ka gaarin qodobadii ay ka wada hadleen.

Waxaana hadda muuqda isbaheysi cusub oo ay sameysanayaan madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com