Ardayda oo ku baaqay in shaqada laga ceyriyo wasiir Goodax iyo dibadbax socda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa saaka ka bilowday magaalada Muqdisho banaan bax ay dhigayaan qaar ka mid ah Ardayda wax ka barata Iskuulada, kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay u fadhiyay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee ay dowladdu qaadeysay.

Ardayda ayaa ku baaqay in shaqada degdeg looga ceyriyo wasiir C/laahi Goodax Barre oo ay sheegeen in aanu xilkaasi u qalmin.

“Dooni meyno Goodax Barre, waa in Ra’iisul wasaaraha shaqada uu ka eryaa” sidaasi waxaa yiri qaar ka mid ah ardayda dibadbaxyada dhigaya.

Ardayda ayaa ka cabanaya sababta loo joojiyey Imtixaanka oo mudo Saddex maalin ah socday oo uu dhaqaalo farabadan uga baxay,iyada oo Wasiirka Waxbarashada uu sheegay in imtixaanka gebi ahaanba la baabi’iyey, dibna loo bilaabi doono 27-ka Bishaan.

Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in banaan baxyo kale ka socdaan Isgoyska Zoobe oo ay isugu soo baxeen Arday ka careysan go’aankii Wasiirka Waxbarashada uu ku joojiyay Imtixaankii socda, kuna baabi’iyay Imtixaankii la galay saddexdii maalmood, kaddib markii suuqyada la soo geliyay qishka Imtixaanaadkaas oo la iibinayo.

Ardayda iyo dadweynaha kale ee banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa mararka qaar rasaas ku ridaya Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Isku socodkii gaadiidka magaalada Muqdisho ayaa hakad ku jira, waxaana meelaha qaar laga maqlayaa rasaas ay ridayaan askar ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Go’aanka Wasiirka waxbarashada ayaa waxaa ka dhashay kala aragti duwanaan kala duwan, iyadoo baraha bulshada si aad ah looga hadal hayay oo ay dadka ku kala aragti duwanaayeen, qaarna taageeray, kuwana ka soo horjeeday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com