IRAN oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta nukliyeerka

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa bilowday dhismaha afar wershadood oo cusub oo ku shaqeeya tamarta Nukliyeerka, kuwaas oo ay ka dhisayso dhinaca Koonfureed ee dalkaasi.

Wershadahan ayaa la filayaan inay soo saaraan tamar gaadhaysa illaa 5,000 oo megawatt, sida ay baahisay wakaaladda wararka dalka Iran ee IRNA.

Iran ayaa doonaysa inay soo saarto tamarta nukliyeerka oo gaadhaysa illaa 20,000 oo megawatts marka la gaadho sannadka 2041.

Iran ayaa haatan leh hal wershad oo ku shaqaysa tamarta nukliyeerka, taasi oo soo saarta illaa 1,000 megawatt, waxaana wershaddani ay shaqada bilowday sannadkii 2011, ka dib markii ay taageero ka heleen dalka Ruushka.

Iran ayaa sidoo kale wershad weyn oo ku shaqaysa tamarta nukliyeerka ka dhisaysa gobolka saliida qaniga ku ah ee Khuzestan ee u dhow xuduudda ay la wadaagaan dalka Ciraaq. Wershaddan ayaa la filayaa inay soo saarto tamaar gaadhaysa illaa 300 megawatt.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta hubka nukliyeerka ayaa sannadkii hore sheegtay in Iran ay horumar ka samaysay inay soo saari karto hub nukliyeer ah.