IS-MOOD-SIIS: WARBIXIN ku saabsan siyaasadda laba-wajiilenimo ee C/WELI

Ma sahlana in qofku iska dhaadhiciyo waxyaabo aan suura gal ahayn. Mar mar ayey naftu is tusisaa waxan maqcuul ahayn. Markaas ayey kugu tiraahdaa sidaas ayaa sax ah. Laakiin sidaad saxda u malaynaysaa ma ahan saxdii. Waa khalad aad is mood siisay inuu sax yahay. Mararka qaarkood waxaa dhacda in qof gaabani oo aad u gaaban weli uu isu qaato inuu aad u dheer yahay oo naftiisa sidaas u sheego. Weliba kaaga sii darane uu rumaysto waxay naftiisu u sheegta. Oouu dhab u aamino inuu dheer yahay….
Sidoo kale dadka isu qaata inay hal door u yihiin ummad meel degan oo cid walba leh ayaa iyaguna la yaabkooda leh. Waxaa kaloo aad u sii yaab badan inaad naftaada ku maaweeliso inaadsi gooni ah aad dadka oo dhan ka caqli badan tahay, qof kastana aad si gaar wax ugu sheegi karto, una qancin karto… Adigoo weliba sii aaminsan inaad tahay caqliloow aan cidina la caqli ahayn oo maskax furan.

Xaqiiqadu waa ka fog tahay waxad adigu is-mood-siiso ama aad u malayso, waa dhacda dhabta ah ee waa waaqiciga ah. Ha noqon mid dadka been u sheego oo iska dhig nin iyaga la jira; Balse ujeedadiiso tahay inuu wax khiyaameeyo amaba dad si kale wax ugu sheego. Ma ahan markaad Kismaayo tagto inaad dadku siday wax u jecel yihiin aad ugu sheegto, ma ahan inaad si khiyaamaysan u dhagarto dhoohanayaasha aan si dhabta ah wax u fahmi Karin…. Ma ahan in aad ninka duurka jira isagana aad si ka duwan kuwa magaalada jooga aad wax ugu sheegto… ma ahan inaad dadka kala shaxaado oo aad madaxa isu wada geliso….mana ahan inaad u malayso inaanay dadkoo dhami waxba garan Karin .. Dhoohanayaa u qaadato.

Is-koobaha oo aad gadaal iska mariso kama dhigna in madaxaagu uu timo leeyahay!!
Is-koobaha oo aad gadaal iska mariso kama dhigna in madaxaagu uu timo leeyahay!!

Ma ahan inaad Teleefoon kula hadasho Puntland oo aad ku rajo geliso waan idin soo booqanayaa , haddana aad dhinaca kale ka tiraahdo shayaadiintaas ayaa u tegi kara .. mana ahan kuwa mingiska iyo boorahnaha tumaa ee saarka waalidu hayo inaanay mararka qaarkood wax dareemi kari…. 

Soo degey Soo degeey, Saarkii duleedoow soo degay…. Soo deg soo deg .. Soo deg. 

Ma ahan in calaqadku u yeeri Karin Yoose iyo maame. Hadabba ha is mood siin hana u malayn in aan cayaarkasta lagu dheeli Karin maba lagula cayaari karin…..

Sidii kale waxaan lahaa .. Haaheey… 

Ma ahan inaad u durbaan tunto dhoobada daara, ka dibna tiraahdo waa mida ugu fiican waxa meesha jooga. Ma ahan inaad majaha iyo madaxa isu surto oo beentaadu bara dheeraato tii Been Hawaas iyo Ibnu Waas.

Ha Is-Mood-siin ama ha u malayn inaanay dadku waxba ogayn kolkaad booqato hoos ha u hadlin waxaa jira kuwa maqla wax walba oo aad sheegto. Kaba siid aran magaalada Marka waxaa ku duugan Aw Cismaan….. Wixii hoos loo sheego waa la maqlaa , ha abuurin cadaawad dad u dhaxaysa … Laashainka Axmadey Cabdi Gaashaan oo reer Shabeelada hoose ah wuxuu ku heesay
Ilee Ilee … Ilee .. Ilee… Ilee.. Ilee
Waa la kala leexiyaa Liin iyo Caano….
Meel Libaax soo galay Lo’ ma joogaysee ..
Diiq Maxaas yii.. Kuu kuu kuu .
Doora aas tiri Kaa.. kaa .

Ma ahan inaad u malayso amaba is mood siiso in Shabeeladda Hose ka tirsanaan jirtay gobolkii Jubbada Sare ama Alto Juba… ma la oran karo qaylada Xaad iyo Axmed Diirye waa sax …. Laakiin waxaa la oran karaa waxaa sax in Shabeelada Hoose ka tirsanaa Gobolkii la oran jirey Banaadir… Alto Juba wuxuu ahaa Gedo, Bay iyo Bakool.. taaso ka dhigaysa Baardheere inay ahayd Alto Juba.
Ha is mood siin in adigoo xiiran oo aan xabad tin ah lahayn haddana ha u malayn inaad timo leedahay. Bal isku eeg muraayada .. dabadeedna si fiin isu eeg. Way kuu muuqataa inaad tima leedahay markaa xaaqinka intaa gadaal iska mariso u malayso inaad tima leedahay. Aan ku af meero qormadaydan aan ugu magic daray Is mood sii gabay aan ka soo dheegtay Abwaanka Maxamuud Cabdulaahi Sangub..

Dib u soco Horuu u soco.
Horay iyo Dib u soco
Daran doori Jaan qaad
Maxaa daal la kororsaday

W/Q: Abdishakuur Mire Aden
qoraa buuga Kobocii Islaamiyiinta ahna wasiir hore ee Puntland

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid