Maxaa la gudboon DF & ciidamadeeda haddii ay beesha caalamka diidday in..

Beesha Caalamka ayaa si joogta ah u diideysay Tobankii Sano ee la soo dhaafay baaqyo badan oo ka imaanayey Siyaasiyiinta Soomaalida gaar ahaan Madaxda Dowladda Federaalka,Baaqyadaasi ayaa lagu dalbanayey tayenta qeybaha kala duwan ee ciidamada Soomaalida sida Militiriga,Booliska iyo kuwa Badda laakiin nasiib daro, Waxa ay noqdeen baaqyadaasi kuwa aan dheg jalaq loo siinin arimo badan oo jira dartood.

Ka dib markii la dhisay Dowladda Federaalka mudda haatan laga joogo ku dhawaad toban Sano, Sidoo kalena ay dalka soo galeen ciidamo ka socda Midowga Africa, kuwaas oo ay dhaqaalahooda bixiso Beesha Caalamka,Ayaa waxa ay Madaxda Dowladda Federaalka waqti badan ku dhumiyeen sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen Beesha Caalamka in la tayeeyo,Islamarkaana la qalabeeyo ciidamada Soomaalida, Si looga maarmo ku tiirsanaanta ciidmada Shisheeye.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa la yaaban caga-jiidka haysta Beesha Caalamka ee ku aadan dhismaha ciidamo Soomaali ah oo xoogan oo la wareega amaanka dalka,Waxa ayna dadkani is weydiinayaan waxa Soomaaliya ka duway dalalka Ciraaq iyo Afganistaan, kuwaas oo loo dhisay ciidamo gaarayo Boqolaal Kun halka Soomaaliyana loo la’yahay 20 Kun oo askari.

Waxyaabaha cajiibka ah ee lagu arkay Beesha Caalamku,Waxaa ka mid ah in askari Africa ah oo xasharaadka iyo cayayaanka cuni jiray la siiyo $ 1000 halka askarigii Soomaaliga ee wadanka iska lahaana loo la’yahay $ 200.Waxaa Iyadana wax lala yaabo ah in Maalin kasta lagu baaqo kordhinta tirada ciidamada AMISOM halka ay ahayd in la kordhiyo tirada qeybaha kala duwan ee ciidamada Soomaalida si ay ugu danbeyn ula wareegaan amaanka dalka.

Caga-jiidka Beesha Caalamka ka haysta dhismaha ciidamada Soomaalida, Ayaa loo aaneynayaa cadaadis ka imaanayo dalalka Dariska ah sida Itoobiya iyo Kenya oo kale,Kuwaas oo aan dooneynin in ay arkaan mar kale ciidamo Soomaali ah oo xoogan maadaama uu dalka Soomaaliya kala dhaxeeyo muran xagga dhulka ah,Waana sababta keeneysa in ay Beesha Caalamka ka war-wareegto dalabka dadka Soomaalida Iyagoo tixgelineyso codsiga Dowladaha Dariska ah.

Inkasta oo ay dadaaleen Madaxda Soomaalida sidii ay ugu qancin lahaayeen Beesha Caalamka, in la dhiso ciidamo Soomaali ah oo xoogan hadana waxa aan aaminsanahay in aysan la imaanin Madaxda Soomaalida farsamadii iyo go’aamadii loo baahnaa ee lagula xisaabtami lahaa Dunida, Waayo haddii ay Jiri lahayd Madax karti iyo geesinimo leh, Waxaan hubaa in mar hore la kala bixi lahaa.

Maadaama Beesha Caalamku ay dhaqaalo badan ku bixiso ciidamada AMISOM, Waxa ay ahayd in ay sidoo kalena dhaqaalo badan ku bixiso ciidamada Soomaalida laakiin nasiib daro taasi ma dhicin, Bal waxaa dhacay cagsigeeda waayo marka aad isu fiiriso ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida, Waxaa kuu soo baxayso kala duwanaan dhinac walba ah haday ahaan lahayd xagga mushaarka,xagga saadka iyo xagga qalabka.Lugooyo iga dheh

Waxtar-xumidooda waxaa ka daran lugooyada iyo hagardaamada ay ku hayaan Dowladda Dhexe, tusaale ahaan halkii ay xoojin lahaayeen Dowladda Dhexe, Waxa ay doorbideen in ay kobciyaan sidoo kalena ay buunbuuniyaan Maamul Beeleedyada sida Somaliland,Puntland,Jubaland,Galmudug iyo kuwa la midka ah.Xagee lagu arkay dal Dowladdiisii oo joogta inta la dabamara oo lala xariirayo Maamul Beeleedyo sida Somaliland iyo Puntland oo kale ?!

Ugu danbeynii,Waxaan leeyahay Jileeca iyo karti-xumida haysata Madaxda Soomaalida ayaa keentay in Beesha Caalamku ay ku cayaarto dadka Soomaaliyeed ,Sidoo kalena ay noqdaan ciidamada Soomaalida kuwa liita oo la isaga dhigo xabbadda kulul ee ka imaaneysa Xoogagga Islaamiyiinta.Sidee lagu aqbali karaa in ay cunaan Wiilashii qiimaha badan ee Soomaaliyeed hanbada ka soo harta ciidamada Africanka sida Uganda iyo Brundin oo kale ?

Hadaba haddii ay Beesha Caalamku diiday tayenta iyo qalabeynta ciidamada Soomaalida,Hadaba maxaa la gudboon Madaxda Dowladda Federaalka iyo ciidamadeeda ?

Anigu waxa ay ila tahay in Madaxda Soomaalida looga baahan yahay in ay go’aan rasmi ah ka qaataan howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (amisom) mar haddaan diyaar loo ahayn xoojinta Hay’adaha Dowladda Federaalka iyo tayenta ciidmada Soomaalida Iyadoo loo daneynayo Shacabka Soomaaliyeed ee daalan.

Marka aad u fiirsato howlgalka AMISOM ee Todobo Sano jirka ah, Waxaa kuu soo baxaysa in meesha loo yimid sidii looga hortagi lahaa oo kaliya in ay Kooxaha Islaamiyiintu qabsadaan Soomaaliya tusaale ahaan, haddii la rabo in la dhiso qaran Soomaaliyeed oo isku filan maxaa loo diidan yahay in si fiican loo qalabeeyo ciidamada Soomaalida ? mise Waxaa la fulinayaa balamadii laga qaaday Itoobiya iyo Kenya ?

Haddii la doonayo in ay Soomaaliya degto maxaa loo xoojin la’yahay awoodda Dowladda Dhexe,Sidoo kalena looga dhaafi la’yahay faragelinta ay ku hayaan IGAD iyo Dowladaha Dariska sida Itoobiya iyo Kenya oo kale ? Haddii ay Beesha Caalamku dowladimo la rabto Soomaaliya,Maxaa cunaqabateynta hubka loogu hayaa Dowladda ? Dowladda aan hub iibsan Karin oo aan qalabeyn Karin ciidamadeeda ma dowladbaa ?

Labo Sano ka hor Madaxweynaheena (Xasan Sheekh) waxa uu ahaa nin firfircoon oo kalsoonida badan lagu qabo Maantana waakaas habadka noqday oo uusan waxba ahayn,Waxaana sidaas u galay waa Shirqoolada Dowladaha Dariska iyo lugooyada Beesha Caalamka.Aaway balanqaadayadii Beesha Caalamka ee uu ugu horeeyo Newdeal-kii (Olddeal).

Ugu danbeyn, Waxa aan leeyahay haddii aysan Beesha Caalamka diyaar u ahayn dhisidda iyo tayenta ciidamo Soomaali ah oo xooggan iyo waliba dhismaha Hay’ado dowladeed oo xoogan, Waa in aysan Umadda Soomaaliyeed gelinin dagaal aan wax faa’iido ah ugu jirin dalka iyo dadka Soomaaliyeed tusaale ahaan muxuu ku dhimanayaa askariga Soomaaliga ah haddaanan la xaqiijineyn dhismaha qaran Soomaaliyeed oo mideysneyn ?

Hadaanan la xoojineynin awoodda Dowladda Dhexe,Maxay tahay waxa aan ka faa’iideyno dagaalka u dhaxeeya reer Gablbeedka iyo Kooxaha Islaamiyiinta ? Haddaanan laga dhabeyneynin balanqaadyada loo sameeyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed,Waa maxay waxa naloo sheegayo ? Yaase diyaar u ah in uu naftiisa ku waayo waxa loo yaqaano Xarbu-Wakaalah ? Mise waxa ay noo qaateen dad wada muqayiliin ah oo aan waxba fahmeynin ?

Mar haddii aysan Beesha Caalamku diyaar u ahayn xaqiijinta danaha Umadda Soomaaliyeed Iyagoo fulinayo codsiga Dowladaha Dariska ah sida Itoobiya oo kale, Hadaba waxa aan u soo jeedinayaa Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo ciidamadeeda talooyinkan soo socda:-

1-In uu Madaxweynaha is casilo Xafiiskiisana ku wareejiyo Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay Mr.Kay

2-In ay kala tagaan ciidamada Soomaalida mar haddaan meesha loo joogin dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo xooggan.

3-In Calanka Soomaaliga laga fujiyo dhamaan dhismayaasha Dowladda lana sura calanka UN-ka iyo kan Midowga Africa.

4-In la isaga dhex baxo AMISOM iyo Kooxaha Islaamiyiinta inta uu Caalamka ka garwaaqsanayo danaha Umadda Soomaaliyeed

5-In aanan la aqbalin in Wiilasha Soomaaliyeed xabbadda la isaga dhigo mar haddaan meesha loo joogin dhismaha dowlad Soomaaliyeed.

6-In lala shaqeeyo oo kaliya Beesha Caalamka marka ay garwaaqsadaan ogolaadaana fulinta dalabyada dadka Soomaaliyeed

W/Q:Cabdulahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid