Isimida Laascaanood ku shirsan oo war lama filaan ah ka soo saaray fara-gelintii Geelle

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada gobolka Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn ee maalmihii dambe uu shirka uga socda magaalada Laascaanood, ayaa markii u horeysay ka hadlay mowqifkooda ku aadan dhex-dhexaadinta madaxweynaha Jabuuti ee xiisada taagan.

Afhayeenka guddida 33 ka ah ee maamulaysa shirka, Jiif Caaqil Cabdirisaaq Xasan Falaalug oo la hadlay BBC ayaa sheegay in xilligaan aysan jirin wax dhex-dhexaadin ah oo ay aqbalayaan, kadib hadalkii shalay kasoo yeeray urur goboleedka IGAD.

“Maya hadda diyaar uma nihin arrintaan, hadii aanu nahay dadka gobolada waxaa weli isbitaalada noo yaala dhaawicii ay gaysatay Somaliland, xaalada dadkayaguna waxay maraysa meel adag, magaalada 80% ama 90% waa laga qaxay,” ayuu yidhi Falaalug.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay jirto cabsi ay ka qabaan in ciidamada Somaliland ay soo galaan, sidaa darteed aanay ku jirin jawi ay wada-hadal iyo waan waan kula galaan Somaliland.

“Macquulna maaha, meel ay ka shaqaysana garan maayo qof aad qoorta kaga taagan tahay ila hadal, meel ay ka dhacdaa ma jirto,” ayuu yiri Jiif Caaqil Cabdirisaaq Xasan Falaalug.

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu ku celceliyay in aanay jirin cid ay dhex-dhexaadin ka aqbalayaan, balse taas badalkeed ay xiligaan rabaan in Geelle iyo IGAD oo ka yimid baaqa dhex-dhexaadintu ay ciidanka Somaliland ka saaran guud ahaan gobolka.

“Majirto cid aan dhexdhexaadin ka aqbalaynaa, IGAD ha ahaato, ama Jabuuti, dowlada federaalka Soomaaliya ama dowladaha kale ee caalamka ilaa ciidanka Somaliland baxo. Ismaaciil Cumar Geelle iyo IGAD ha saaraan ciidanka dadka yaga dilay.”

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii urur goboleedka IGAD uu shaaciyay in uu bogaadinayo door nabadeed uu madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ku leeyahay xiisadda ka taagan Laascaanood, si xal waara loogu helo.

“IGAD waxay bogaadinaysa dadaalada dhexdhexaadineed ee ilaa hada uu sameeyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna ku dhiirigalinaysa in uu sii wado dhexdhexaadinta” ayuu yiri xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC ayaa dhawaan ka dalbaday dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jabuuti inay soo fara-geliso xiisada Laascaanood.

Garaadka ayaa dowladda federaalka iyo Jabuuti ka dalbaday inay dhulkooda uga saaran Somaliland, ayna soo kala gaadhaan iyaga iyo maamulka Muuse Biixi inta ay isfara-saarin, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, Magaalada Laascaanood ayaa marti-gelisay maalmo rabshado ah, ayada oo xasaradda ka taagan magaalada ay sababtay in dadku ka qaxaan, xili ciidamada Somaliland ay magaalada dibada ka joogaan, islamarkaana ciidamo hubaysan oo garaadada daacad u ah ay gaaf wareegayaan gudaha magaalada.