Iska hor-imaad qabiil ku saleysan oo dhexmaray askar ka tirsan NISA + Khasaaraha

Marka (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta gudaha magaalada uu iska hor-imaad ku dhex-maray Askar ka wada tisan ciidanka NISA.

Iska hor-imaadkan ayaa yimid kadib markii qaar kamid ah ciidanka NISA ay is dhaafsadeen hadalo xanaf leh oo qabiil ku saabsan, taasi oo markii dambe sababtay in ciidanku uu noqdo laba dhinac.

Waxaa dagaalkan labada ka dhex qarxay ciidanka NISA ku geeriyooday inta la ogyahay illaa hadda Saddex ruux, oo ay ku jiraan labo askari oo NISA ka tirsan iyo qof shacab ah.

Sidoo kale waxaa lasoo warinaya in uu jiro dhaawac kale oo ka dhashay iska hor-imaadka ciidanka NISA oo aan illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Saraakiisha 14 October ee ku sugan magaalada Marka iyo Taliyaha Nabad-sugida magaaladaas ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay inay ciidanka kala dhex-galaan, islamarkaana ay xaalada dejiyaan.

Majiro illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay maamulka iyo laamaha amaanka degmada oo ku aadan dhacdadaan maanta ay ku geeriyoodeen Saddexda ruux.