Iska ilow DF: Beesha Hiiraan oo ayagii isku soo jeestay iyo xiisad…

Muqdisho (Caasimada Online) –  Iyadoo dowlada Somalia ay ku adkeysaneyso dhisida dowlad Goboleed mideeya Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, ayaa waxaa soo baxaaya khilaafyo kala duwan oo ka dhextaagan Odayaasha Gobolka Hiiraan.

Odayaasha qaar ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan uusan ka shaqeyn doonin maamul laga soo dhigay magaalada Jowhar oo ay ku shirsan yihiin Ergada ka kala socta labada Gobol.

Nabadoon Cabdirashiid Aadan Guure Qooreey oo ka mid ah waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Hiiraan aan laga hirgalin doonin maamul ay soo dhoodhoobtay dowlada Somalia.

Nabadoon Cabdirashiid waxa uu sheegay in Gobolka Hiiraan looga baahan yahay maamul caadil ah oo dhismihiisu aan lagu sameyn faragalin, waxa uuna cadeeyay in maamulka la doonaayo in lagu dhiso magaalada Jowhar uu yahay mid u gaar ah dowlada Somalia iyo maamulka Sh/ Dhexe.

Nabadoon Cabdirashiid, waxa uu sheegay in maamulka cusub ay ku ogolaan doonaan Hiiraan oo laga dhigo labo gobol kadibna ay wax ku darsadaan Gobolka Sh.Dhexe, wixii intaa kasoo haro ay ka xigaan dagaal bareer ah.

Nabadoon Axmed Yacquub oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Gobolka hiiraan ayaa sheegay in rajo weyn ay ka qabaan in la dhiso maamul mideynaya dadka degan gobalada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe, waxa uuna tilmaamay inaanu jirin cid awood u leh inay hor istaagto maamulkaasi lagu soo dhisi doono magaalada Jowhar.

Nabadoonka waxa uu cod dheer ku sheegay in ay isku mowqif yihiin odayaasha ka socda Gobolka Hiiraan ayna taageersanyihiin in maamulka loo sameeyo labada gobol wuxuuna intaa ku daray in dad gaar ah aysan u xirnaaneyn arimaha maamul usameynta.

Nabadoon Axmed Yacquub, waxa uu intaa ku daray in reer Hiiraan aysan gumaad ugu jiri doonin Seddex nabadoon oo tallo doon ah, wuxuuna carab dhabay haddii la hor istaago maamulka cusub ay qaadi doonaan talaabo adag oo lidi ku ah Odayaasha kasoo horjeeda maamulka la dhisaayo.

Odayaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa laga cabsi qabaa inay isku gacan qaadan sababo la xiriira khilaafka ka taagan maamulka la dhisaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com