Senator Mareykan ah oo kashifay sir ay dowlada Obama qarin jirtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Chris Murphy oo ka tirsan golaha Senatka ee Mareekanka, ayaa si adag kaga soo horjeestay taageerada ay dowlada Mareykanka siineyso dowlada Sacuudiga ee duqeymaha cirka ah ku asqeysay dadka rayidka ah ee kasoo jeeda dalka Yemen.

Chris Murphy, ayaa sheegay in dowlada Mareykanka ay kaalin buuxda ka qaadatay burburinta iyo xasuuqa ka jira dalka Yemen waxa uuna ka digay in dowladiisa Mareykanka ay kusii dhiirato garab istaaga dowlada Sacuudiga ee u taagan xasuuqa shacabka dalka Yemen.

Mr Chris Murphy oo u waramaayay TV-ga CNN, ayaa sheegay in dowlada Sacuudiga ay garab miisaan leh ka heysato dowlada Mareykanka taasina ay sababtay in dowlada Obama ay si arxan darro ah u fangareyso dhibta diyaaradaha dalka Sacuudiga ay ku hayaan shacabka Yemen.

”Dadku maaha kuwo indha xiran tisaale waxaa kuu ah in qof waliba oo kasoo jeeda dalka Yeman aad wax ka weydiiso dhibaatada ka taagan dalkiisa waxa uu kuu sheegi doonaa in dhibtaasi ay qeyb weyn ka tahay dowlada Mareykanka, waayo waxaa ka xun sumcad darida dowladeena uga imaankarta duqeymaha iyo xasuuqa ka taagan dalka Yemen”

”Dhab ahaantii aad ayaan uga walaacsanahay sida dadban ee aan uga qeybqaadaneyno dagaalka ka socda Yemen, waayoo dadku waxa ay mar waliba noo arkaan inaanu nahay dowlad kasoo horjeeda xasiloonida”

”Dadka ma mooga in dowlada Mareykanku kaalin ka qaadaneyso duqeynta ka socta Yemen waa inaan la imaanaa dareen iyo fiiro gaar ah ka hor inta aan garab boodin waxa ka socda Yemen”

Mr Chris Murphy waxa uu sheegay in ololaha Mareekanka taageero ee loo adeegsado Saudiga ee ka dhanka ah Yemen uu ahaa mid si toos ah u bilowday bishii March 2015, balse iminka uu yahay mid ka qowmameynaaya xaalada ka jirta dalka Yemen.

Docda kale, Mr Chris Murphy, ayaa ku baaqay in fiiro gaar ah loo yeesho waxa ka socda dalka Yemen si aan dusha looga saarin dowlada Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com