Gudoomiye Jawaari oo shaaciyay xildhibaanada lagu dilay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo howsha ay shacabka u hayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia mareyso heer gabagabo, ayaa waxaa waxqabadka Baarlamaanka Somalia ka hadlay Gudoomiyha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Jawaari ayaa sheegay in Baarlamaanka Somalia uu ku talaabay Horumar tan iyo afartii sano oo ay shaqeynayeen, waxa uuna sheegay in talaabooyinka ugu badan ay ahaayen kuwo wax looga qabanaayay sharciga dalka lagu hogaamin lahaa oo asal ahaa mid isku dhexyaacsan.

Jawaari waxa uu sheegay in Baarlamaanka uu dib u saxay sharciyo badan oo lagu wareersanaa xiligii hore waxa uuna carab dhabay in kuwa imaan doona ay dhameystiri doonaan inta harsan.

Waxa uu sheegay Xildhibaanada wali shaqeynaaya ay xilkaasi haynayaan inta laga helaayo baarlamaankii badeli lahaa oo dhismihiisu siyaabo kala duwan uga socda Caasimada iyo Gobolada dalka.

Guddoomiye Jawaari ayaa sidoo kale Xildhibaanada ka codsaday in ay u duceeyaan xildhibaanadii la dilay 4tii sano oo ay shaqada hayeen Baarlamaanka Somalia.

Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari waxa uu carab dhabay in mudadii Afarta Sano aheyd oo uu shaqeynaayay Baarlamaanka hadda jira la dilay ilaa 18 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia kuwaasi oo ku dhintay shaqooyinka ay u hayeen shacabka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaa ku daray in Xildhibaanadaasi badankooda loo dilay qaabab kala duwan oo dadka ay ka argagaxeen.

Haddalka Jawaari ayaa imaanaya iyadoo Xildhibaanada hadda jira ay xilka sii heyn doonaan inta laga heli doono Xildhibaano kale oo bedela kuwa hadda sii shaqeyn doona.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com