Taariikh Nololeedkii Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar AUN

Waxaa xalay magaalada Virginia ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Sarreeye Guud Maxamed Cali Samatar, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliya.

Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar wasiirka haweenka iyo xuquuqul-Insaanka oo ah gabadhiisa ayaa xaqiijisay geeriga marxuumka.

Taariikhda Maxamed Cali Samatar:

Samatar waxaa lagu xasuustaa shaqo badan uu kasoo qabtay dalka isagoo mas’uul ahaa in ka badan 35 sano, wasiirka difaaca, Madaxweyne ku xigeen, Ra’iusul wasaare ayuu soo noqday, waxaa kaloo lagu xasuustaa dhismihii ciidanka xoogga dalka iyo tabtii lagu jabiyay xabashida dagaalkii 77 ee dagaalkii xureynta Soomaali galbeed.

Maxamed Cali Samatar waxaa uu ku dhashay Tuulo ka tirsan Kismaayo ee Jubbada hoose sanadkii 1935-tii, isagoo waxbarashadiisa hoose ku qaatay magaalada Muqdisho.

Ciidamada waxaa uu ku biiray 1950-kii, isagoo aad u jeclaa in uu noqdo saraakiisha ugu caansan dalka.

Samatar waxaa uu waxbarasho u tagay the Cesano di Roma Staff Infantry Academy sanadihii (1954–1956), waxaa uu soo noqday isagoo xidigle ah,  waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii lagu aasaasay ciidamada Booliiska.

Waxaa uu tababar ku qaatay dugsiga Booliska Xamar, Tababar Boolis ah waxaa uu ka mid ahaa ciidamada Booliska qeybta Xamar, kadib waxaa uu taliye booliis ah ka noqday degmada Marka halkaas uu muddo joogay.

Maxamed Cali Samatar waxaa uu tababar kale u aaday dalka Ruushka (1965–1967)-kii isagoo tababar ku qaatay Frunzi Academy ee magaalada Moscow, waxyar kadib markii uu soo noqday ka mid noqday ciidamadii inqilaabka ka dhigay Somaliya October 21, 1969-kii.

Maxamed Siyaad iyo Maxamed Cali Samatar waxaa ay is barteen dabayaaqadii 50-meeyadii xuriyadda ka hor, Samatar waxaa uu ka mid ahaa saraakiisha uu ugu jecel yahay Maxamed Siyaad, inqilaabka kadib, waxaa uu ka dhigay ilaa heer loo magacaabay sii hayaha madaxweynaha dalka.

Mudane Samatar waxaa uu ahaa nin ay aad u jecel yihiin saraakiisha xoogga dalka, dhismaha ciidanka waa xusuus kale oo marxuumka loo hayo, Saraakiil ciidamada ka tirsan waxaa ay sheegayaan in uu lahaa tabtii lagu jabiyay dagaalkii 77 ee xoreynta Somali galbeed xiligaas uu ahaa wasiirka gaashaandhigga Somaliya.

Xagga Daraja Ciidamada Maxamed Cali Samatar waxaa uu ahaa Lieutenant general ama Sareeye Guud, darajada ay helaan militariga Somaliya waxaa uu ahaa ninka keliya ee darajadaas helay.

Xilliyadii uu Wasiirka Difaaca ahaa:

Wasiirka Difaaca Soomaaliya: July 12, 1970, August 6, 1971, December 12, 1973, December 6, 1974, January 6, 1975, July 1, 1976, February 3, 1977, April 1, 1978, February 7, 1980, March 2, 1982, June 2, 1984, February 25, 1985-1987,

Ra’isul Wasaare Iyo Madaxweyne ku xigeen:         

Ra’isul Wasaare iyo Madaxweyne ku xigeen: February 5, 1987, Ra’isul wasaare December 22, 1987, Ra’isul wasaare February 1, 1990.

Mr. Samatar waxaa uu ahaa Madaxweyne ku xigeenkii koobaad ee dalka uu yeesho, waxaa kaloo la sheegaa in jagadaas aan looga horeyn, loogana dambeyn.

Maxamed Cali Samatar waxaa uu sii haya xilka madaxweynaha noqday markii uu Jaalle Siyaad Coma ku galay gaari muddana uu xanuunsanaa.

Samatar waxaa Wasiirkii Gashaadhigga ee ugu waqtiga dheeraa ee Soomaaliya soo mara isagoo xilkaas hayey 1971-1987-dii, saraakiisha xoogga dalka waxaa ay xaqiijiniyaan in aad u jeclaayeen hogaamintiisa.

Dagaalladii sokeeye kadib waxaa uu u qaxay Talyaaniga kadibna waxaa uu sii aaday Virginia,  Mareykanka halkaas uu ku dhintay August 20, 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com